fredag, april 26, 2024

Ap: Goobaha cibaadada waa inay gudiga maamulka 40% haween ka dhigaan, si ay kaalmo lacageed u helaan

Xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa soo bandhigay qorshe kamid ah programka cusub ee xisbigaas, kaas oo dhigaya in goobaha cibaada ee aan xubno dumarka ka siin gudiga maamulka, aysan heli doonin lacagta kaalmada dowlada.

Waxeyna shuruud ka dhigeen in 40% gudiga maamulka ay haween noqdaan, goobtaas cibaado ay taageero dowladeed u hesho. Ap ayaa sidoo kale shuruud ka dhigayo in gudiga maamulka goobaha cibaadadu, uu noqdo mid lagu soo doortay hab demoqraadi ah.

Labadaan soo jeedin ayaa waxaa looga doodi doonaa shirweynaha qaran ee xisbiga Ap, kaas oo dhici doono dhamaadka bisha April ee sanadkan. Hadii la isku raacana oo Ap ay meel-mariyaan, waxey sheegeen in dhaqan-galkoodu uu ka bilaaban doono sanadka 2020.

Xisbigan ayaa sidoo kale barnaamijkiisa siyaasadeed kusoo daray qodobo kale oo adkeynaya xeerarka goobaha cibaadada, waxaana kamid ah:

  • In imaamyada iyo hogaamiyaasha diimeed ee Norway imaado, ay qaataan aqoon ku saabsan talo bixinta cunfiga ka dhex-dhaca dadka isku dhow/Is qaba.

  • Xaqiijinta in furitaanku uu yahay mid la tixgaliyo.

  • in la ogaado hadiyadaha iyo waxyaabaha kale ee goobaha cibaadada lagu taageero, kana imaado wadamada dibada.

Xigasho/kilde: Nrk.no, Ap.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x