Hanne Jendal oo katirsan hey´ada laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da, ayaa maqaal kaga soo jawaabtay maqaalkii uu dhawaantan wargeyska Dagbladet kusoo daabacay Arild Humlen oo ah qareenka gudiga xuquuq raadinta soomaalida Norway. (Halkan ka akhri maqaalka qareenkan).

Waxeyna maqaalkeeda ku xaqiijisay in UDI-da ay dib u qiimeyn ku sameyneyso sharciyada magangalyada 1600 oo qoxooti soomaaliyeed ah, kadib markii ay wareegto ka heleen wasaarada cadaalada iyo amniga. Dadkaas oo ah kuwii Norway imaaday intii u dhaxeysay sanadadii 2012 ilaa 2014, walina aan helin sharciga degenaanshaha rasmiga ah.  

Sidoo kale waxey sheegtay iney jiraan kiisas dad laga shakisanyahay macluumaadkii ay bixiyeen markii ay wadanka iska dhiibayeen, kuwaas oo ay qiimeynayaan iney dib ugula noqdaan sharciyada ay heystaan, hadii ay ku cadaato iney ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed. Iyada oo maqaalkeeda si fiican uga hadashay sida ay u qiimeeyaan kiisaska noocaas ah, iyo qaabka ay macluumaadka ku helaan. 

Hanne Jendal ayaa maqaalkeeda ku xustay in mararka qaarkood ay UDI-du helaan macluumaad ay lagama maarmaan noqoto iney dabagal kusii sameeyaan. Waxeyna tusaale usoo qaadatay iney mararka qaarkood ay helaan codsi qof loo dacwoonayo, kaas oo xambaarsan macluumaad iyo warbixino ka gadisan kuwii uu qofkaas markii hore bixiyay. Ama macluumaadka noocaas oo kale ah,  ay ka helaan codsiga magangalyada qof qoyskaas ka tirsan. 

Waxey maqaalkeeda ku cadeysay in inta badan ay kiisaskaas ku bilowdaan, kadib markii ay UDI-du macluumaad ka hesho xarumaha kale ee dowlada sida NAV iyo booliska. Macluumaadkaas oo sheegaya in qofkaas uu wado khalad ah ku helay sharciga magangalyada. 

Hanne ayaa sidoo kale sheegtay in hadii ay macluumaad qarsoodi ah ka helaan qof shaqsi caadi ah, ay ogyihiin iney noqon karaan arimo la xiriiro is fahan daro ama aar-goosi shaqsiyeed. Iyada oo sheegtay in macluumaad badan oo noocaas ah aysan dabogal kusii sameynin. 

Waxey sidoo kale sheegtay iney ka dharagsanyihiin isku dhexyaaca xaalada Soomaaliya ee Humlen maqaalkiisa ku cadeeyay. Laakiin waxey sheegtay in cadeymaha ay adeegsadaan ay inta badan yihiin kuwo isku meelo u jeeda. Tusaale ahaan hadii qof uu sheegtay inuu ka yimid deegaan , laakiin uu ku hadlayo lahjada deegaan kale, lacagtana uu diro deegaanka uu lahjadiisa ku halo, ay qofkaas boolisku ugu yeeraan wareysi si uu qofka jaanis ugu helo inuu sharaxo cadeymahaas la helay. 

Haweeneydan ayaa sheegtay in inta aan qofka lagala noqon sharciga, ay marka hore u diraan digniin isaga oo xaq u leh inuu qabsado qareen ay dowladu lacagtiisa bixineyso. Si uu qofkaas jawaab uga bixiyo eedeymaha loo heysto, mararka qaarkoodna baajiyo in qofka lagala noqdo sharciga. Hadii ay xitaa qofka kala noqdaan sharciga qoxootigana ay mararka qaarkood siiyaan sharci nooc kale ah, iyada oo loo eegayo caruurtiisa oo wadanka waxbadan joogay ama arimo caafimaad. 

Hanne Jendal ayaa maqaalkeedana ay kusoo daabacday Dagbladet ku sheegtay in kiisaska magangalyada ay sharaxaada qofka uu bixiyo ay tahay cadeynta ugu weyn. Si bulshadu ay ugu kalsoonaato nidaamka magangalyada,a ay ku qasbanyihiin iney banaanka keenaan dadka ka been-sheegay asalkooda, si ay magangalyo u helaan. 

Xigasho/kilde: Dagbladet(halkan ka akhri maqaalkan ay UDI-da ugu jawaabeyso Arild Humlen

 

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz