torsdag, mai 9, 2024

Tone waxaa la dilay, iyada oo isku dayeyso iney wax caawiso

Tove Karlsen oo ah qareenka caawinaya qoyska Tone Ilebekk, ayaa saxaafada u sheegtay in Tone la dilay iyada oo isku dayeyso iney wax caawiso. 

Tone oo aheyd hooyo dhashey labo caruur ah, ayaa banaanka usoo baxdey si ay hawo u siiso eygeeda, iyada oo markaas kasoo baxdey shaqada barnehage ay macalimad ka aheyd. Waxeyna kusoo baxdey wax u muuqdey dagaalka labo wiil, waxaana la diley iyada oo isku dayeyso iney wax caawiso. 

Sida uu qorayo VG, wiilka 15-jirka ee dilka qirtey ayaa mindi lasoo aadey Tone, kadib markii ay isku dayday iney wax ka ogaato waxa meesha ka socdo, wuxuuna la dhacay dhowr tooriyood. Baabuurta gar-gaarka deg-dega ayaa Tone iyo Yacquub ka wada qaadey isku meel, waxaana loola cararey isbitaalka, laakiin labadooduba waxey nafbaxeen waxyar kadib. 

Booliska ayaa sidoo kale maanta sheegay in 15 jirka dilka geystay uu wali qabey dhar dhiig leh, markii ay boolisku ku wareysanayeen xaruntooda. Waxeyna sheegeen inuu danbiga dilka Yacquub iyo Tone ku qirtey isla goobta. 15-jirkaan ayaa hada kujiro xabsiga, isaga oo la xiray labo isbuuc oo kumeel gaar ah. 

Booliska ayaa 15-jirkaan iyo dharka uu qabeyba, kasoo ogaadey kamerada ku xiran Busska, maadaama ay busska isla saarnaayeen isaga iyo A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan. 15-jirka dilka qirtey iyo Yacquub horey ayey isku yaqaanen , iyaga oo u wada ciyaari jiray hal koox oo kubada cagta ah, islana dhigan jirey iskuul.

15-jirka dilka qirtey ayaa aad ugu xirnaa goob ay ku cibaadeystaaan koox Christian ah, isaga oo sidoo kalena kusoo korey, kana soo jeedo qoys Christian ah. 

Xigasho/kilde: VG, NRK

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x