fredag, april 26, 2024

(Daawo): Familka wiilkii aabihii dilay: Waxey aheyd in wiilka xanuunsan la hayo oo aan lasoo deyn

Allah u naxariistee waxaa maalintii daraad aheyd degmada Asker lagu aasay marxuum Maxamud Axmed Ciise(Aflow) oo ahaa nin bulshada Oslo iyo Asker ay si aad ah u wada yaqaaneen. A.H.N Maxamud Aflow ayaa sababsaday gacanta wiilkiisa oo maskax ahaan u xanuunsanaa, hadana kujiro gacanta booliska. 

Qoyska Maxamuud Ciise ayaa sheegay iney aheyd in hey´adaha dowladu ay gacanta ku hayaan wiilka, aysana banaanka usoo deynin, maadaama aabuhu uu dhowr jeer codsaday in laga kaxeeyo wiilka. Waxeyna sheegeen in wiilka ay hayeen mudo, kadibna ay soo daayeen, aabuhuna uu codsaday in wiilka la hayo, balse ay ka wardiideen. (Hoos ka daawo muuqaalka aaska Marxuum Maxamuud Aflow iyo hadalka Safiyo xmed Ciise oo walaashiis ah). 

Dhanka kale bulshada magaalada Asker ayaa codsatey in banaanka la keeno dhamaan macluumaadka ku saabsan falkan argagaxa leh, lana ogaado sida ay wax u dhaceen oo dhameystiran. Horey ayey jaaliyada soomaaliyeed ee Asker u codsatey in hadii ay jirto cid aan howsheedii kasoo bixin, ay tahay in lala xisaabtamo. 

Booliska ayaa ilaa hada saxaafada war ka siinin sida ay wax u dhaceen iyo waliba macluumaadka ku saabsan dhacdadan, iyaga oo markii ugu danbeysay sheegay iney wali wadaan baaritaano. 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x