fredag, april 26, 2024

Listhaug oo amaan usoo jeedisay Kaafiyo Cali Xasan oo ah hooyo soomaaliyeed.

Foto: Krister Sørbø / NTB scanpix Foto: NTB scanpix

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvie listaug ayaa  shalay booqasho ku gaartay warshad lagu sameeyo dunta oo kutaalo kommunaha Seljord ee gobalka Telemerk. Warshadan ayaa dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub siiso fursad shaqo praksis ah oo ay ku helaan xirfad-shaqo, luuqadana ku bartaan. Dadka ay halkaas kula kulantay Listhaug waxaa kamid ahaa hooyo soomaali ah oo lagu magacaabo Kaafiyo Cali xasan. Waxayna tani ahayd markii labaad oo ay Kaafiyo iyo Listhaug wada kulmaan.

[adsenseyu1]

Kaafiyo oo ah hooyo haysato shan caruur ah ayaa sanadkii 2008 timid Norwey, iyada oo aan wax iskuul ah aan horey usoo dhigan. Kommunaha ay degantahay ayaa sheegay inay adkeyd sidii shaqo loogu heli lahaa hooyadan, maadaama aysan aqoon iskuul ama xirfad-shaqo aysan laheyn. Balse dadaal dheeri ah oo ay la timid Kaafiyo ayay Kommunaha ay dagantahay ka caawiyeen inay shaqo praksis ah ka hesho warshada Telespinn AS, si ay xirfad shaqo u hesho, luuqadana ay ugu tababarato ku hadalkeeda. Mudo kadib markii ay ka shaqaynaysay warshadan ayay ka heshay shaqo fulltid ah, iyada oo luuqadana si fiican u baratay mudadii ay halkaas ka shaqaynaysay. Kaafiyo ayaa maanta warshada kusoo dhawaysay Listhaug, iyada oo tustay qaybaha kala duwan oo ay ku farsameeyaan dunta min billow ilaa dhamaad.  

Listhaug ayaa qirtay in ay jeclaan lahayd in dadka qoxootiga ah oo dhan ay ahaan lahaayeen sida Kaafiyo oo kale, kuna amaantay dadaalka dheeriga ah iyo kartida ay la timid mudadii yareyd oo ay wadankan joogtay, iyada oo aan aqoon iskuul aan horey usoo helin. Waxayna sheegtay in kaafiyo ay tahay tusaalaha ugu fiican oo ay soo qaadan karto, marka ay rabto inay xal u raadiso howlaha ku saabsan sidii ay dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub loo dhexgalin lahaa bulsada inteeda kale. listhaug ayaa sidoo kale amaan gaar ah usoo jeedisay warshadan jaaniska dahabiga ah siisay Kaafiyo iyo dadka lamidka ah. 

[adsenseyu1]

Sylvie ayaa intaas ku dartay in marka laga soo noqdo fasaxa xagaaga ay waqtiga ugu badan ku bixin doonto, xal u raadinta iyo fududeynta sidii dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub loo dhexgalin lahaa bulshada. Iyadoo intaas sii raacisay in hada ay egtahay in dadkii qoxootiga tirada badnaa ee wadanka imaanayay ay hada hoos u dhaceen, sidaas darteedna ay usoo jeesan howshan ku saabsan shaqo u raadinta dadka cusub. 

Waxay sidooo kale sheegtay in ay si gaar ah ula socoto xaalada wadanka Turkiga, maadaama heshiiska ay galeen Turkiga iyo EU uu yahay sababta ugu weyn ee keentay dib u dhaca dadka qoxootiga ah ee wadanka imaanayo. Hadii uu heshiiskaas bur-burana ay ka baqayso in qoxooti badan ay kusoo fatahaan qaarada yurub, gaar ahaana Norwey.

Listahuag ayaa hada u eg mid usoo jeedisay shaqo ay mar hore dayacday oo ku saabsan xal helida sidii dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub shaqo iyo iskuulo loogu raadin lahaa. Marar badan ayaa lagu eedeeyay inay howsheeda dayacday, iyada oo ka doordibay siyaasada ku dhisan cabsida iyo argagaxinta dadka ee uu xisbigeeda FRP dabada ka riixayo. 

Waa hubaal in listhaug ay ku guulaysatay inay hoos u rido tirada dadka qoxootiga ah ee wadanka iska soo dhiibayay, iyadoo adeegsanayso sharciyo iyo go aano is daba joog ah oo ku saabsan sidii loo adkeen lahaa sharciyada magangaylada wadanka.  

Su aasha iswaydiinta muda ayaa ah, tolow sidaas oo galena ma ugu guulaysan doontaa inay dadka qoxootiga ah ee sharciga magangalyada wadankan helay la dhex galiyo bulshada inteeda kale?

Xigasho/kilde: ABCNYHETER, Aftenposten, NRK

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x