fredag, april 26, 2024

Si aad ugu dacwaato qof famili ah waa inaad shaqaysaa 305.200 sanadkii

Dowlada Norwey ayaa kor u qaaday lacagta looga baahanyahay inuu qofku shaqeeyo sanadkii si uu ugu dacwoodo qof qoyskiisa ah. Sylvi Listaug oo ah wasiirka arimaha soo galootiga, kana tirsan xisbiga mayalka adag ee FRP ayaa lacagtan kor u qaaday 20%, kuna kordhisay 50.000  oo dheeri ah. Awal hore waxaa qofka laga rabay inuu shaqeeyo  252.200 sanadkii si uu qof ugu dacwoodo.

Listaug ayaa sheegtay in sababta lacagta ay u kordhisay ay tahay in qofka wax u dacwoonayo uu yahay qof isku filan dhaqaale ahaan, isla markaana kafaalo qaadi kara nolosho qofka uu wadanka keenayo. 

Xisbiga FRP oo talada wadanka la haya xisbiga kale ee Høyre ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayo si uu u adkeeyo soo galootiga dadka ajnabiga ee ka imaanaya wadamada aan reer galbeedka ahayn. Horey ayay usoo jeediyeen 40 qodob oo ay rabaan inay ku adkeeyaan sharciga magangalyo doonka wadanka, waxaase wali ka taagan dood kala dhaxaysa xisbiga ay bahwadaagta yihiin ee KRF iyo Venstre.

les saken på norsk her:

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x