Booliska magaaladda Halden ee dhacda xuduudka Norway iyo Sweden ayaa saaka xaqiijiyay geerida Oday waayeel ah iyo wiil uu dhalay oo lagu dilay fal toogasho ah oo ka dhacday meel meer ah. Waxaana sidoo kale falkaas ku dhaawacmay qof sadexaad.
Booliska ayaa qabtay qof lagu eedeynayo inuu ka danbeeyay falkan. Labadda qof ee ku dhintay iyo qofka ku dhaawacmay falkan, ayaa ka tirsanaa koox ugaarsato ah oo xiliga uu falkaas dhacayay isku diyaariyay ugaarsi doonasho.
Ninka la qabtay ayaa qoraal uu bixiyay ku qirtay inuu isagu riday rasaastii lagu dilay labada nin iyo tii dhaawacday qofka saddexaad, balse ilaa hadda wuu diiday inuu su’aalaha booliska ka jawaabo.
Booliska ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan inuu jiray xiriir u dhexeeya eedeysanaha iyo kooxda ugaarsatada. Tuhunka ugu weyn ee uu boolisku hadda baarayo ayaa ah in dhacdadu ay salka ku hayso khilaaf, taasoo meesha ka saaraysa tuhunkii ahaa in dad si aan kala sooc lahayn loo weeraray.
Eedeysanaha ayaa hadda loo haystaa laba dil iyo isku-day dil oo loo geystay hal qof ama dhowr qof. Waxaa sidoo kale lagu samaynayaa qiimeyn hordhac ah oo dhinaca caafimaadka maskaxda ah, si loo go’aamiyo in loo baahan yahay baaritaan dhimir oo dhammaystiran.
Booliska ayaa wada wareysiyo badan, baaritaanno farsamo oo goobta ah iyo baaritaanka qalabka elektaroonigga ah ee eedeysanaha, si loo ogaado sababta rasmiga ah iyo sida ay dhacdadu u dhacday.
Ninka la tuhunsan yahay ayaa oggolaaday in xabsiga lagu sii hayo inta baaritaanku socdo, waxaana arrinta xabsi-hayntiisa maxkamaddu ka qaadi doontaa Isniinta.