Booliska Norway ayaa caawa oo sabti ah fiidkii afaafka hore ee masaajid ku yaalo magaaladda Porsgrunn ku qabtay nin ku hubeysnaa biskoolada.
Booliska ayaa abaare 19:15 helay fariinta sheegeyso nin hubeysan oo lagu arkay agagaarka masjidka, waxaana boolisku ay goobtaas u direen ciidan hubeysan. Booliska oo marka hore sugay amniga masaajidka ayaa bilaabay raaditaanka ninka, iyaga oo tixraacaya tilmaamaha la siiyay. Qiyaastii saacad kadib ayay sheegeen inay gacanta ku dhigeen qofka ay rumeysan yihiin inuu dhacdada ku lug lahaa.
Ninka la qabtay ayaa ah qof ay boolisku hore u yaqaaneen. Mid ka mid ah dadka goobta ku sugnaa ayaa warbaahinta u sheegay in ninku bastoolad dhinaciisa u jeediyay, hase yeeshee boolisku weli si rasmi ah uma xaqiijin in dadka masaajidka ku sugnaa si toos ah loogu hanjabay hubka.
Taliyaha hawlgalka booliska Marius Dale ayaa sheegay in ilaa hadda aysan caddeyn waxa uu ninku hubka u adeegsan lahaa ama ujeeddada uu masaajidka u yimid.
Boolisku waxay bilaabeen wareysiyada markhaatiyaasha, ururinta muuqaallada kaamirooyinka ammaanka iyo baaritaanka guriga ninka la xiray. Ilaa fiidkii Sabtida, wax hub ah weli gacanta laguma dhigin.
Dhacdada ma aysan sababin wax dhaawac ah, waxaana boolisku sheegay in baaritaanku sii socdo si loo ogaado wixii dhacay iyo sababta ninku hubka ula joogay agagaarka masaajidka.