Dowladda Norway ayaa soo jeedisay nidaam cusub oo u oggolaanaya Ukrainiyiinta haysta sharciga ku-meel-gaarka ah ee dalka ka shaqeeya inay codsadaan sharci deggenaansho oo ku saleysan shaqadooda. Arrintaas ayaa ka dhigan in qoxooti badan oo reer Ukraine ah oo cabsi ka qabay in dalkoodii loo celiyo, ay hada heli karaan fursad ay Norway kusii joogaan.
Qofka doonaya inuu ka faa’iideysto fursadan waa inuu hadda ku nool yahay Norway, shaqeeyaa, isla markaana leeyahay dakhli sannadle ah oo ugu yaraan u dhexeeya 382,337 iyo 409,647 kr, waxaana weli socoto dood ku saabsan dakhliga sanadlaha ah ee laga rabo qofka fursadan ka faaiideysan kara.
Wasiirka Shaqada iyo Isdhexgalka, Kjersti Stenseng, ayaa sheegtay in dadka awooda inay naftooda masruufaan ay nidaamkan ku heli karaan sharci, kaas oo saddex sano kadib sabab u noqon kara deggenaansho joogto ah, haddii ay buuxiyaan shuruudaha kale.
Qorshaha ayaa sidoo kale u oggolaanaya xaaska ama lammaanaha iyo carruurta inay helaan sharci la socda qofka shaqeeya, balse waxaa markaas qofka ku waajib ah inuu buuxiyo shuruudaha kale ee la xiriira qofka qoyskiisa u dacwoonaya.
Tirakoobka SSB ayaa muujinaya in 48% Ukrainiyiinta qaxootiga ah ay shaqeeyaan,
Nidaamkan weli sharci rasmi ah ma noqon. Dowladda ayaa u dirtay wadatashi, waxaana qorshuhu yahay in la dhaqan geliyo xagaaga sanadkan 2027. Wuxuu khuseyn doonaa dadka sharciga kumeel gaarka ah helay wixii ka horeeyay 17-ka bisha September ee sanadkan 2026.
Xigasho/kilde: Regjeringen foreslår at ukrainere som jobber i Norge kan få oppholdstillatelse