Norway: Qiimaha shidaalka baabuurta oo heerkii ugu sareeyay gaaray.

Qiimaha shidaalka ee baabuurka ee gudaha Norway ayaa mar kale si xooggan kor ugu kacay, iyadoo halkii litir ee gaas ah meelo badan oo dalka ka mid ah laga iibinayo in ka badan 31 karoon.

Isniintii shaley aheyd, qiimaha celceliska shidaalka dalka wuxuu gaaray wax ka badan 29 karoon litirkii, halka in ka badan 100 xarumood oo Circle K ah lagu iibinayay 31.49 kr. Sandefjord iyo Stranda waxaa laga diiwaangeliyay qiime gaaraya 31.79 kr halkii litir oo ka mid ah heerarkii ugu sarreeyay ee la diiwaangeliyo.

Syver Orhagen oo maamula Drivstoffappen ayaa sheegay in tani tahay qiimihii ugu sarreeyay ee ay diiwaangeliyaan tan iyo markii ay bilaabeen ururinta xogta qiimaha shidaalka sanadkii 2020.

Kororka ayaa aad uga muuqda marka la barbar dhigo bishii Agoosto, markaas oo xogta rasmiga ah ee Hay’adda Tirakoobka Norway ee SSB ay muujisay in celceliska naaftadu ahaa 21.48 kr litirkii.

Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah in dowladu ay joojisay canshuur dhaaftii ay u sameyn jirtay shidaalka, waxaana hada dib loo bilaabay in si caadi ah loo canshuuro shidaalka. Waxaa sidoo kale qiimaha kor u riixaya xaaladda suuqyada caalamka. Xiisadaha iyo dagaallada Bariga Dhexe, weerarrada lagu qaaday warshadaha sifeynta shidaalka ee Ruushka iyo qiimaha sare ee shidaalka ee suuqyada caalamka ayaa cadaadis ku haya qiimaha Norway.

Falanqeeyayaasha tamarta ayaa ka digaya in suuqa naaftadu weli yahay mid aan degganayn, taasoo ka dhigan in qiimuhu mararka qaar si weyn kor ama hoos ugu boodi karo muddo kooban.

Qiimaha sare ayaa sidoo kale dib u soo celiyay doodda siyaasadeed ee canshuuraha shidaalka. FrP iyo Senterpartiet ayaa raba in mar kale la dhimo canshuuraha, halka Høyre uusan hadda taageerin dib-u-soo-celinta dhimista ku-meel-gaarka ah. Sidaas darteed, waqtigan ma jiro aqlabiyad Baarlamaanka ah oo taageersan canshuur-dhimis cusub.

Latest news
Related news