Booliska Oslo ayaa qof xabsiga u dhigay dilka wiil soomaali ah oo mudo la weysanaa.

Sida ay jimcihii lasoo dhaafeen shaaciyeen, Booliska magaaladda Oslo ayaa xabsiga dhigay qof lala xiriirinayo dilka ama ka qeybqaadashada dilka wiil dhalinyaro soomaali ah oo la weysanaa tan iyo bishii Oktober ee sanadkii 2024.

Sida ay sheegeen Booliska, Mustafa Ahmed(Sawirka kore) ayaa waxaa markii ugu danbeysay ee xog noloshiisa la xiriirta laga helay ay aheyd 30-ka bishii September ee sanadkii 2024. Booliska ayaa 8 bishii Oktober u diiwaangaliyay in la weysanyahay(savnet), waxa ayna horaanta bishii Febraayo ee sanadkan 2026 sawirka iyo xogta shaaciyay Mustafe ku faafiyeen warbaahinta, iyaga oo codsaday in gacan la siiyo kiiskan oo ay boolsku sheegeen inuu u leeyahay muhiim weyn.

Qofka ayaa loo qabtay falkan:

Booliska Oslo ayaa jimcihii lasoo dhaafay shaaciyay war cusub oo kiiskan la xiriira. waxa ayna sheegeen inay qabteen, xabsigana dhigeen qof lala xiriirnayo inuu ka danbeeyay ama qeyb ka ahaa fal dil ah oo loo geystay Mustafa. Booliska ayaa sidoo kale warbixintooda ku daray in macluumaad ay uruuriyeen, wareysiyo ay qaadeen, dabagal dhanka elektroniga ah oo sameeyeen iyo baaritaano badan oo ay sameeyeen kadib, ay muujinayaan in Mustafa la dilay.

Qofka kiiskan loo qabtay ayay boolisku sheegeen inuu yahay qof ay horey u yaqaaneen oo horey u geystay falal danbiyeedyo kala duwan.

Booliska ayaa hada sheegay in kiiskan uu galay waji cusub oo la xiriira baaritaankiisa. Waxa ayna sheegeen inay dhici karto inay soo xiraan dad kale oo kiiskan lala xiriirinayo.

Latest news
Related news