Xaaladda caafimaad ee boqorka Norway Kong Harald ayaa aad looga deyrinayaa saacadihii ugu danbeeyay, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo qubarada caafimaad iyo dadka ka agdhow qoyska boqortooyada. Boqorka ayaa maalmihii ugu danbeeyay la seexiyay isbitaalka, kadib markii uu lasoo gudboonaaday xanuun u diiday inuu sii wato shaqadiisa maalinlaha aheyd.
War qoraal ah oo kooban oo kasoo baxay aqalka boqortooyada Norway, ayaa lagu sheegay in xaaladda caafimaad ee boqorka ay kasii dartay, ayna hada mareyso meel halis ah oo wax walba la filan karo.
Waxaa isbitaalka boqorka la seexiyay kusii qulqulayo xubnaha qoyska boqortooyada, waxaana sidoo kale safaro ka baaqday wufuud ka bixi laheyd Norway oo shaqooyin u aadi lahaa dalalka dibadda ah. Arrintaas oo muujineyso sida xaalka caafimaad ee Boqorka uu halis u yahay.
Boqor Harald oo 89 jir ah ayaa ahaa boqorka Norway tan iyo sanadkii 1991, ayaa taageero weyn ku dhexgal bulshada Norway, waxaana bulshada iyo warbaahinta Norway ka muuqato tiiraanyada xaaladda murugsan ee caafimaadka Boqor Harald.