SSB: Dadka Norway ka guuray oo ka batay dadka usoo guuray.

Dad ka badan kuwii soo galay Norway ayaa dalka ka baxay rubucii labaad ee 2026

Tirokoob cusub oo ay soo saartay Hay’adda Tirakoobka Norway ee SSB ayaa muujinaya in markii ugu horeysay sanadkan ay dadka Norway ka guuraya ay ka bateen dadka usoo guuraya.

Intii u dhexeysay bilihii Abriil iyo Juun ee sanadkan, 10,095 qof ayaa u soo guuray Norway, halka 11,685 qof ay dalka ka guureen. Sidaas darteed, taas oo muujineyso in tirada dadka Norway ka guuray 1,590 qof ka badantahay dadka usoo guuray.

Tirokoobkan ayaa muujinayo in sababta in tirada dadka ka guuraya Norway ay sii badanayeen sanadihii ugu danbeeyay arrintaas oo ay sababtay waxyaabo kala duwan oo isbiirsaday.

Tirakoobka ayaa sidoo kale muujinaya in dadka u dhashay dalka Suuriya iyo dadka u dhashay Sweden ay yihiin dadka ugu badan ee ka guuray Norway.

Xigasho/kilde: Flere flyttet ut enn inn av Norge

Latest news
Related news