Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid boqorkii hore ee Norway, Kong Harald. Madaxweynaha ayaa war qoraal ah oo uu kusoo qoray bogiisa rasmiga ah ee Twitterka sheegay in isaga oo ku hadlayo magaca dalka Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed, uu ka tacsiyeynayo geerida ku Boqorka Norway oo jimcihii lasoo dhaafay geeriyooday.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in Norway ay saaxiib dhow la tahay dalka Soomaaliya, ayna dal ahaan qeyb ka aheyd horumarka dowladnimadda Sooomaaliya. Wuxuuna sheegay in xanuunka geerida uu la qeybsanayo qoyska boqortooyada Norway iyo waliba shacabweynaha reer Norway.
Boqor Harald ayaa qasriga boqortooyada Norway ku qaabilay Madaxweyne Xasan, sanadkii 2025, markaas oo uu booqasho shaqo Madaxweynaha Soomaaliya uu ku imaaday Norway.