Kong Harald: Boqorkii la jeclaa oo saaka xijaabtay.

OSLO — Boqorkii Norway Kong Harald V, oo 35-tii ee ugu danbeysay ahaa wejiga boqortooyada Norway, ayaa geeriyooday isagoo 89 jir ah. Geeridiisu waxay soo afmeereysaa bog dheer oo ka mid ah taariikhda casriga ah ee Norway, isaga oo ahaa boqor ay noloshiisu si dhow ula xiriirtay nolosha dadweynaha Norway, lana soo maray dhacdooyin taariikheed ee saameeyay Norway, sida dagaalkii 2.aad ee aduunka, dib-u-dhiskii Norway dagaalka, koboca dhaqaalaha iyo isbeddelladii waaweynaa ee bulshada Norway.

Taariikhda Boqor Harald V oo kooban

Boqor Harald V wuxuu dhashay 21-kii Febraayo 1937. Carruurnimadiisii waxaa saameeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, isaga iyo qoyskiisuna waxay muddo ku noolaayeen dibadda kadib markii Jarmalku qabsaday Norway sannadkii 1940.

Markii dagaalku dhammaaday ayuu Norway kusoo laabtay. Wuxuu bartay cilmiga siyaasadda, dhaqaalaha iyo taariikhda, sidoo kalena wuxuu soo maray tababarka ciidamada.

Harald wuxuu sannadkii 1968 guursaday Sonja Haraldsen kadib xiriir socday sagaal sano. Guurkooda ayaa xilligaas ahaa mid si weyn looga hadlay, maadaama Sonja aysan ka dhalan qoys boqortooyo.

Markii aabbihii, Boqor Olav V, geeriyooday sannadkii 1991, Harald wuxuu noqday Boqorka Norway.

Mudadii uu boqorka ahaa, wuxuu caan ku noqday inuu xoogga saaro midnimada bulshada, dulqaadka iyo in Norway ay tahay dal ay leeyihiin dad leh asal iyo nolol kala duwan.

Waxaa sidoo kale si weyn loogu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay mideynta shacabka kadib weerarradii 22-kii Luulyo 2011.

Boqor Harald V wuxuu geeriyooday 28-kii Agoosto 2026 isagoo 89 jir ah, kadib in ka badan 35 sano oo uu ahaa Boqorka Norway.

Geerida Boqor Harald V kadib, dhaxalsuge Haakon ayaa noqday Boqorka cusub ee Norway, iyadoo dhaxalka boqortooyadu si toos ah u dhacayo. Dowladda Norway ayaa isla maalinta geerida boqorka la yeelanaysa Boqorka cusub kulan gaar ah oo ka dhacaya Qasriga Boqortooyada.

Norway ayaa sidoo kale gashay muddo baroordiiq qaran ah, calamada xarumaha dowladda ayaana hoos loo dhigay ilaa laga aasayo Boqor Harald.

Maalmaha soo socda waxaa la filayaa in Qasriga Boqortooyadu faahfaahin ka bixiyo aaska Boqor Harald, munaasabadaha xusuusta iyo waajibaadka Boqorka cusub.

Latest news
Related news