Dowladda Norway ayaa dhaqan gelisay sharciyo cusub oo mamnuucaya in gaaska lystgass (nitrous oxide) laga iibiyo dadka ka yar 18 sano, iyadoo sidoo kale sharci-darro laga dhigay in gaaska loo iibiyo ama loo qaybiyo ujeeddo ah in loo isticmaalo maandooriye ahaan. Xeerarkan cusub ayaa dhaqan galay 1-dii bishan Luulyo.
Wasiirka Caafimaadka, Jan Christian Vestre, ayaa sheegay in dowladda ay tallaabadan qaaday kadib markii si weyn u kordhay isticmaalka Gaaska (buufinta) ee dhalinyarada, gaar ahaan munaasabadaha iyo goobaha lagu caweeyo.
– “Carruurta iyo dhalinyarada waa in laga ilaaliyaa waxyaabaha halista gelin kara caafimaadkooda,” ayuu yiri wasiirku.
Muddooyinkii u dambeeyay, booliska iyo hay’adaha caafimaadka ayaa ka digayay in dhalinyaro badan ay u isticmaalayaan gaaska(buufinta) sidii maandooriye, inkastoo gaaska markii hore loogu talagalay isticmaal caafimaad iyo diyaarinta cuntada.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in isticmaalka badan ee gaaska(buufinta) uu sababi karo dhaawacyo halis ah, oo ay ka mid yihiin dhaawac soo gaara neerfayaasha, kabuubyo iyo dareen-beel ku dhaca gacmaha iyo lugaha, neefsashada oo adkaata iyo oksijiin-yari dhaawac u geysan karta maskaxda iyo wadnaha. Xaaladaha ugu daran, dadka isticmaala waxay la kulmi karaan dhaawacyo joogto ah oo qofka ka dhiga naafo abidi ah.
Ganacsiyada jebiya sharcigan cusub waxay wajihi karaan ganaaxyo iyo tallaabooyin kale oo sharci ah. Dowladda Norway ayaa sheegtay inay si dhow ula socon doonto hirgelinta xeerarka cusub si loo yareeyo isticmaalka gaaska(buufinta) ee dhalinyarada loogana hortago dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha.
Dhalinyarada ajaaniibta ah, gaar ahaan soomaalida, ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxaa aad ugu soo badanayo adeegsiga gaaska loo adeegsado qaab maandooriye ahaan ah, iyada oo lagu shubo buufin, kadibna qofku uu hawo ahaan u jiido/qaato. Waxaana mararka qaarkood dad badan ku dhaca dhaawacyo jir ahaaneed iyo maskax ahaaneed.