Hyundai oo dib ugu yeertay in ka badan 1,000 baabuur oo Norway laga iibsaday kadib farsamo.

Shirkadda baabuurta ee Hyundai ayaa dib ugu yeertay in ka badan 1,000 baabuur oo nooca Hyundai Inster ah oo ku sugan Norway, kadib markii la ogaaday cillad farsamo oo ku timid waalka (ventil) ku jira nidaamka korontada ee gaariga.

Sida ay sheegtay Hyundai Norway, cilladdan ayaa sababi karta buuq iyo dhalaalid qaybo ka mid ah gaariga, halka xaaladaha ugu daran ay keeni karto qiiq. Shirkaddu waxay sheegtay in aan weli la soo sheegin shilal ama dhaawacyo la xiriira cilladdan, balse tallaabada dib-u-yeerista loo qaaday si looga hortago khatar kasta oo mustaqbalka dhici karta.

Milkiilayaasha baabuurta ay arrintani saameysay ayaa warqado rasmi ah loo diri doonaa, waxaana lagu wargelin doonaa inay baabuurtooda geeyaan xarumaha dayactirka ee Hyundai, halkaas oo qaybta cilladaysan lagu beddeli doono lacag la’aan.

Warbaahinta Sweden ayaa sidoo kale sheegtay in dib-u-yeeristan ay saameyneyso ku dhawaad 40,000 baabuur oo Hyundai Inster ah oo caalamka oo dhan ah, kuwaas oo la soo saaray intii u dhexeysay 14-kii Febraayo 2024 iyo 14-kii Abriil 2026. Hyundai ayaa sheegtay in dayactirku uu gebi ahaanba meesha ka saari doono khatarta la xiriirta cilladdan.

Latest news
Related news