Frp: Dadka ajaaniibta ah hala qaado xuduudka codeynta ee doorashooyinka dowladaha hoose.

Xisbiga Fremskrittspartiet (FrP) ayaa soo jeediyay qorshe cusub oo lagu joojinayo xuquuqda codbixinta ee dadka aan haysan dhalashada Norway marka la qabanayo doorashooyinka degmooyinka hoose iyo gobollada.

Sida uu qoray VG, xisbigu wuxuu qorsheynayaa inuu soo gudbiyo hindise sharciyeedka marka Baarlamaanka uu Norway uu furmo xiliga fasaxa ah kadib.

Maanta, muwaadiniinta ajnabiga ah ee qaabka sharciga ah ugu nool Norway (adresska ku leh), ayaa marka ay Norway sadex(3) degenaadaan kadib, waxa ay xaq u yeelan karaan ka qeybqaadashada codbixinta doorashada goleyaasha deegaanka iyo goboladda. Waxa aysan codeyn karaan, iyaga oo aan heysan dhalashada ama jinsiyada Norway. Muwaadiniinta u dhashay dalalka Waqooyiga Yurub (Nordic) ayaa iyagu codkooda dhiiban karo, marka ay sifo sharci ah u deganyihiin, adressna ugu yihiin Norway.

Si kaduwan doorashada degmooyinka hoose, Doorashooyinka baarlamaanka waxaa ka codeyn kara oo keliya dadka haysta dhalashada Norway.

Afhayeenka FrP ee arrimaha socdaalka, Erlend Wiborg, ayaa sheegay in codbixinta ay tahay xuquuq ay tahay in loo xaddido oo keliya muwaadiniinta Norway.

– Qofka doonaya inuu saameyn ku yeesho siyaasadda Norway waa inuu marka hore noqdaa muwaadin Norwegian ah, ayuu yiri Wiborg. Sida uu sheegay, arrintani waxay ku saleysan tahay mabda’ iyo sidoo kale walaacyo la xiriira amniga qaranka iyo saameyn dibadeed oo lagu yeelan karo siyaasadda gudaha.

Tirakoobyada ayaa muujinaya in doorashadii deegaanka ee ugu dambeysay ay xaq u lahaayeen inay codeeyaan ku dhowaad 360,000 qof oo aan haysan dhalashada Norway. Intooda badan waxay ahaayeen muwaadiniin ka soo jeeda Poland, Lithuania iyo Sweden.

Soo jeedinta FrP ayaa durba la kulantay mucaarad xooggan. Xisbiyada Høyre, Arbeiderpartiet iyo Kristelig Folkeparti ayaa sheegay inaysan taageeri doonin qorshahan. Waxay ku doodayaan in dadka sannado badan ku nool Norway, canshuur bixiya isla markaana adeegyada deegaanka isticmaala ay tahay inay awood u yeeshaan inay saameyn ku yeeshaan go’aamada degmada ay ku nool yihiin.

Dadka ka soo horjeeda hindisahan ayaa sidoo kale sheegay in ka qaadista codbixinta dadka aan weli helin dhalashada Norway ay dhaawici karto isdhexgalka bulshada iyo dimuqraadiyadda deegaanka. Sida ay qabaan, xuquuqda codbixinta waxay dhiirrigelisaa dadka soo guuray inay si firfircoon uga qayb qaataan bulshada ay ku nool yihiin.

Maadaama xisbiyada waaweyn ee kale ay hore uga soo horjeesteen hindisaha, waxaa la rumeysan yahay in soo jeedinta FrP aysan heli doonin aqlabiyad marka loo gudbiyo Baarlamaanka xilliga dayrta.

Xigasho/kilde: Frp vil ta fra utenlandske statsborgere stemmeretten

Latest news
Related news