Maxkamadda magaaladda Oslo ayaa maanta 4 sano oo xabsi ah ku xukuntay Marius Borg Høiby oo ah wiil ay dhashay xaaska dhaxal-sugaha boqortooyadda Norway, Mette-Marit. Ninkan oo 29 sano jir ah ayay maxkamaddu ku heshay danbi la xiriira kufsi iyo tacadi ka dhan haween uu xiriir la lahaa.
Kiiskan oo dhageysiga dacwadda maxkamadda ay socotay mudo dheer, ayaa ahaa mid ka mid ah dacwadihii ugu hadal-haynta badnaa Norway sanadihii u dambeeyay. Høiby waxaa lagu soo oogay ku dhowaad 40 dacwadood oo kala duwan, kuwaas oo ay ku jireen kufsi, tacadi iyo xadgudub jinsiyeed iyo jireed oo ka dhan ah haween uu xiriir la lahaa, hanjabaado, jebinta amarro maxkamadeed iyo dambiyo kale. Marisu ayaa qirtay qaar ka mid ah dambiyada fudud ee lagu eedeeyay, balse wuu diiday eedeymaha ugu culus.
Maxkamaddu waxay ku heshay dambi laba kiis oo xadgudub nooc kufsi. Sidoo kale waxaa lagu helay dambi tacaddi iyo rabshado uu u geystay laba haween oo horey xiriir ula lahaa.
Dhanka kale, maxkamaddu ayaa ku weyday laba eedeymood oo kale oo kufsi ah, iyadoo sheegtay in caddeymaha lasoo bandhigay aysan ku filnayn in lagu xukumo.
Xeer ilaalinta ayaa hore u codsatay in lagu xukumo toddobo(7) sano iyo toddoba(7) bilood oo xabsi ah, halka qareennadiisu ay ku doodayeen in xukunka uusan ka badnaan 18 bilood. Ugu dambeyn maxkamaddu waxay go’aamisay afar(4) sano oo xabsi ah.
Sidoo kale maxkamaddu waxay amartay inuu bixiyo magdhow dhan 640,000 kroner oo la siinayo afar haween oo dhibbanayaal ah.
Høiby ma uusan joogin maxkamadda markii xukunka lagu dhawaaqayay, balse wuxuu dhageysanayay go’aanka isagoo adeegsanaya muuqaal toos ah (videolink), sababo caafimaad awgood. Qareennadiisa ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan inay racfaan ka qaataan xukunka.
Kiiskan ayaa si weyn u saameeyay sumcadda qoyska boqortooyada Norway, waxaana warbaahinta gudaha iyo tan caalamkuba si dhow ula socdeen tan iyo markii baaritaannadu bilowdeen.