Golaha Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay xayiraado cusub oo ku-meel-gaar ah oo lagu adkeynayo bixinta fiisayaasha muwaadiniinta Soomaaliyeed, kadib markii ay hay’adaha Midowga Yurub ku qiimeeyeen in wada-shaqeynta Soomaaliya ee dib u qaadashada muwaadiniinteeda sharci-darrada ku jooga Yurub aysan ku filnayn.
War-saxaafadeedka ayaa si cad u sheegay in “cooperation by Somalia on readmitting its nationals staying irregularly in the EU is insufficient.”
Go’aanka cusub wuxuu ka dhigan yahay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub aysan mar dambe siin karin muwaadiniinta Soomaaliyeed fiisooyin dhowr jeer lagu geli karo (multiple-entry visas). Sidoo kale, lama fududeyn doono dukumentiyada iyo caddeymaha laga rabo codsadayaasha fiisaha.
Waxaa intaa dheer in dadka sita baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa adeegga dowladda aan mar dambe laga dhaafi doonin khidmadaha fiisaha sida hore u dhici jirtay.
Isbeddel kale oo weyn ayaa ah in muddada lagu farsameynayo codsiyada fiisaha laga dhigay 45 maalmood, halkii ay markii hore ka ahayd 15 maalmood oo keliya.
Golaha Midowga Yurub wuxuu caddeeyay in tallaabadani tahay mid ku-meel-gaar ah, balse aan weli loo cayimin waqti ay ku eg tahay. Sida lagu sheegay war-saxaafadda, “The suspension decision is temporary but does not come with a specific end date.”
Midowga Yurub ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee go’aankan ay tahay in lagu dhiirrigeliyo dowladda Soomaaliya inay xoojiso wada-shaqeynta dib loogu celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee si sharci-darro ah ku jooga dalalka Yurub.
Hay’adaha Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay inay si joogto ah ula socon doonaan horumarka laga sameeyo arrintan, iyadoo dib loo qiimeyn doono marka ay Soomaaliya muujiso isbeddel la taaban karo.