Wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya, uuna hogaaminayo agaasimaha hey adda socdaalka iyo jinsiyaddaha, ayaa labadii maalmood ee tagay booqasho shaqo ku joogay dalkan Norway. Waxa ayna la kulmeen hey addo kala duwan oo ay kamid tahay hey adda arrimaha socdaalka iyo jinsiyaddaha Norway ee UDI-da, iyo hey’adda diiwaangalinta dadka.
Sida lagu xusay war qoraal ah oo lagu soo daabacay bogga hey adda in safarka masuuliyiinta ka socdo Soomaaliya uu ku wajahnaa xoojinta iskaashiga shaqo ee ka dhaxeeya labadda hey addood. Iyada oo agaasimaha hey adda socdaalku uu sheegay in sanad walba ay booqasho iyo xog isweydaarsi xiriirka labadda dhinac ah ay u yimaadaan magaaladda Oslo.
Norway ayaa kamid dalalka sida aadka ah arrimaha socdaalka iyo baasabooradda uga taageerta dowlada Soomaaliya, dhaqaale ahaan, tababar ahaan iyo qalab ahaanba. Waxaana tan iyo sanadkii 2014 Norway si joogto ah ugu soo noq-noqonay masuuliyiin ka socdo hey adda socdaalka, oo isugu jiro madax iyo saraakiil la tababarayo.