Siyaasiga soomaaliga ah ee Fawzi Abdirashid Warsame ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah ugu taaganyahay xilka gudoomiyaha ururweynaha AUF, oo ah ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee Ap. AUF ayaa lagu tiriyaa mid kamid ah ururadda siyaasadeed ee ugu awooda badan Norway.
Fawzi oo hada ah xubin katirsan golaha dhexe ee ururka AUF, ahna madaxa qeybta xiriirka caalamiga ah ee AUF, ayaa Wareysi uu siiyay VG ku sheegay in sababta uu xilkan ugu tartamayo ay tahay inuu doonayo in AUF ay door muuqata ka qaadato dagaalka lagula jiro kala fogaanshaha dhaqaale ee sii kordhaya ee bulshada
– Caqabadda ugu weyn ee hortaalla Norway maanta waa in farqiga u dhexeeya dadka dhaqaalaha badan haysta iyo kuwa dakhligoodu hooseeyo uu sii kordhayo.. Waxaan rabaa inaan ilaalino waxa loo yaqaan “riyada Norway”, taas oo ah in qof kasta uu fursad u helo inuu horumar sameeyo, iyada oo aan loo eegin halka uu kasoo jeedo ama dhaqaalaha qoyskiisa, ayuu yiri.
Warsame ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay kororka taageerada xisbiyada midigta ee Norway. Sida uu sheegay, dhalinyaro badan ayaa dareemaya in siyaasiyiintu aysan dhageysanayn dhibaatooyinkooda, taasoo keentay in qaar ay u jeestaan xisbiyada ballanqaadaya isbeddel degdeg ah.
– Haddii aynaan wax ka qaban kharashaadka nolosha iyo fursadaha dhalinyarada, waxaa sii kordhi doona taageerada xisbiyada midigta. Taasi waa arrin ay tahay inaan si dhab ah uga shaqeyno, ayuu sheegay.
Fawzi ayaa hada xildhibaan aan joogto aheyn oo katirsan baarlamaanka Norway, wuxuuna sidoo kale kamid yahay golaha deegaanka Oslo. Hadii uu ku guuleysto, iyada oo ay aad u badantahay fursidiisa guusha, wuxuu dhigayaa taariikh cusub, isaga oo ku fadhiisan doono mid kamid ah kuraasta miisaanka culus ee siyaasadda Norway laga go aamiyo, uguna saameynta badan.
Doorashada hoggaanka cusub ee AUF ayaa la filayaa inay dhacdo dabayaaqada sanadkan 2026, iyada oo hada Fawzi uu yahay musharaxa qur ah ee ilaa hada inta la ogyahay si cad u muujiyay doonistiisa hogaanka xilkaas, kadib markii ay tanaasuleen gudoomiyaha ururka oo xilka ka degay iyo ku xigeenkiisa oo sheegtay inaysan rabin u tartamista kursiga.
AUF waxaa loogu yeeraa xeradda tababarka siyaasiyiinta hogaamiya ama saameeya/qaabeeya siyaasadda xisbiga shaqaalaha, waxaana soo hogaamiyay siyaasiyiin badan oo uu kamid yahay Jens Stoltenberg oo hada ah wasiirka maaliyadda, horeyna u ahaa reysulwasaare hore iyo madaxii ururka NATO.