Degmooyinka Oslo oo dib u qaabeyn lagu sameyn doono.

Golaha deegaanka magaalada Oslo ayaa gaaray heshiis siyaasadeed oo ballaaran oo lagu beddelayo qaab-dhismeedka degmooyinka magaalada, iyadoo tirada degmooyinka laga dhigi doono sideed(8) halkii ay hadda ka yihiin 15.

Hoggaamiyaha maamulka magaalada ee xisbiga Høyre, Eirik Lae Solberg, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid taariikhi ah.

– Tani waa maalin taariikhi ah oo u soo hoyatay Oslo. Waxaan xaqiijinay aqlabiyad ballaaran oo taageersan isbeddel lagu xoojinayo degmooyinka, dimuqraadiyadda deegaanka iyo adeegyada la siiyo shacabka, ayuu yiri Solberg.

Qorshaha cusub waxaa sidoo kale ka mid ah in inta u dhaxaysa 1,000 ilaa 1,500 guri oo ay dowladda hoose leedahay loo raro meelo kale inta lagu jiro 15-ka sano ee soo socda. Ujeeddada ayaa ah in la yareeyo kala duwanaanshaha bulsho iyo dhaqaale ee ka jira caasimadda.

Marthe Scharning Lund oo ka tirsan xisbiga Arbeiderpartiet ayaa sheegtay in qorshahani uu gacan ka geysan doono mideynta adeegyadda bulsheed ee degmadu ay siiso bulshada:

– Waxaan dib isugu xiri doonnaa magaalada kala qaybsan. Siyaasiyiin badan ayaa muddo dheer ka hadlayay sida guryaha dowladda loogu qaybin lahaa si ka wanaagsan, hadda tallaabadaas ayaan qaadaynaa, ayay tiri.

Sida qorshuhu yahay, dowladda hoose waxay iibin doontaa qaar ka mid ah guryaha ku yaalla meelaha ay ku badan yihiin dadka danyarta ah, kadibna waxay guryo cusub ka iibsan doontaa xaafadaha ay ku yar yihiin. Mas’uuliyiintu waxay aaminsan yihiin in tani ay horseedi karto isku dheelitirnaan bulsho oo wanaagsan.

Isbeddelka kale ee weyn ayaa ah in 15-ka degmo ee hadda jira lagu mideyn doono sideed degmo oo waaweyn. Maamulka magaalada ayaa sheegay in ujeeddadu aysan ahayn tirada degmooyinka, balse ay tahay in dadka deggan Oslo ay helaan adeegyo isku tayo ah iyadoon loo eegayn xaafadda ay ku nool yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyo dhowr ah ayaa muujiyay walaac ku saabsan isbeddelladan. Waxay ka baqayaan in dib-u-habayntu ay horseedi karto dhimista adeegyada ama kharashaad cusub oo saameeya dadka deegaanka.

Golaha magaalada Oslo ayaa arrintan si rasmi ah uga doodi doona 17-ka Juun. Haddii la ansixiyo, isbeddellada cusub waxay dhaqan geli doonaan 1-da Janaayo 2028.

Qaab dhismeedka ee degmooyinka cusub ee sideeda ah ayaa sidan noqon doono:

Degmada 1: Vestre Aker iyo Ullern sida ay maanta yihiin, marka laga reebo qaybo yar oo la beddelayo.

Degmada 2: St. Hanshaugen, Frogner iyo xaafadda Skøyen oo hadda ka tirsan Ullern.

Degmada 3: Grünerløkka iyo Gamle Oslo, oo ay ku jiraan Helsfyr, Ensjø iyo Etterstad, balse aan ku jirin Hasle iyo Løren.

Degmada 4: Sagene iyo Nordre Aker sida ay maanta yihiin.

Degmada 5: Bjerke, iyo sidoo kale Hasle, Løren, Teisen iyo qaybo ka mid ah Ensjø iyo Helsfyr.

Degmada 6: Stovner, Grorud iyo Alna, iyo sidoo kale qayb ka mid ah Teisen.

Degmada 7: Østensjø, iyo xaafadaha Bjørndal, Mortensrud iyo qaybo ka mid ah Søndre Nordstrand.

Degmada 8: Nordstrand, oo ay ku jiraan Holmlia iyo qaybo ka mid ah Søndre Nordstrand.

Magacyadan waa kuwa ku meel gaarka ah. Dowladda hoose ee Oslo ayaa qorshaynaysa in dadka magaalada la weydiiyo talooyin ku saabsan magacyada rasmiga ah ee sideeda degmo ee cusub ka hor inta aan isbeddelladu dhaqan gelin sannadka 2028.

Latest news
Related news