Axad 21-ka June: Wargalin muhiim ah oo ku socdo bulshada Soomaaliyeed ee Drammen.

Dhamaan waalidiinta iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Drammen iyo nawaaxigeed, waxaa lagu casuumayaa kulan muhiim ah oo looga hadli doono doorka waalidiinta ee ka hortagga isticmaalka maandooriyaha ee dhalinyarada.

Waxaa laga hadli doonaa sida waalidiintu u garan karaan calaamadaha muujinaya adeegsiga daroogadda ee dhalinyarada, isbeddellada dabeecadda dhalinyarada, sida loola hadlo dhalinyarada, iyo sida looga hortagi karo in dhalinyaro lagu saameeyo ama lagu jiido maandooriye iyo falal dambiyeed.

Waxaa ka qeybgalaya oo hadallo jeedinaya booliska iyo khubaro iyo dad khibrad u leh dhalinyarada, ka hortagga maandooriyaha iyo la shaqeynta qoysaska.

Waqtiga: Axad, 21 Juun 2026, 17:00–20:00

Goobta: Masjid Abu-Bakr Sadiq, Drammen

Cinwaanka: Smithestrømsveien 5, 3045 Drammen

Fadlan iska diiwaangeli halkan:

https://luma.com/ufudxa7s

Latest news
Related news