Aqlabiyad xildhibaanadda ka tirsan Stortinget ayaa taageeray qorshe cusub oo lagu adkeynayo sharciyada mideynta qoysaska ee qaxootiga iyo dadka magangelyo doonka ah ee ku nool Norway.
Sida ay baahisay NRK, qorshahan cusub wuxuu dhigayaa in qofka doonaya inuu qoyskiisa keensado Norway looga baahan doono inuu helo dakhli sanadle ah oo gaaraya ugu yaraan 500,000 kroner. Lacagtaas ayaa ku dhawaad 100 000 kr badan lacagta shardiga ah ee xiligan qofka laga rabo inuu sanadkii shaqeeyo, si uu qoyskiisa ugu dacwoon karo.
Xisbiyada Høyre, Fremskrittspartiet, Senterpartiet iyo Kristelig Folkeparti ayaa ka mid ah kuwa taageeray tallaabadan. Waxay sheegeen in dadka raba inay keensadaan qoysaskooda ay tahay inay muujiyaan awood dhaqaale oo ku filan si ay u daryeeli karaan qoyskooda iyaga oo aan ku tiirsanaan nidaamka taageerada dhaqaale ee dowladda.
Taageerayaasha qorshahan ayaa sidoo kale aaminsan in sharciyada adag ay kor u qaadi karaan isdhexgalka bulshada iyo shaqo helidda dadka cusub ee dalka yimaada.
Tirakoob la sameeyay sanadkii hore ayaa muujinayo in dad badan gaaraya 12 000 qof ay sanadkii hore Norway ku imaadeen qaab isku dacwood ah ama midoobis qoys, Arrintan ayaana sababtay dood siyaasadeed oo xooggan, iyadoo xisbiyada taageersan adkeyn nidaamka qoxootiga ay ku doodayaan in nidaamka hadda jira uu aad u dabacsan yahay.
Dhanka kale, xisbiyada bidixda iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa si adag uga horyimid qorshahan. Waxay sheegeen in shuruuddan cusub ay si gaar ah u saameyn karto qaxootiga, dadka shaqooyinka hoose haya iyo qoysaska dakhligoodu yar yahay. Sida ay qabaan dadka dhaliilsan sharcigan cusub, in uu sababi karo in qoysas badan ay mudo dheer kala maqnaadaan ama aysan isku meel ku noolaan sababo la xiriira dhaqaale yari awgiis.
Qaar kamid ah ururrada taageera qaxootiga ayaa ka digay in sharciyada noocan oo kale ah ay saameyn ku yeelan karaan carruurta iyo qoysaska kasoo cararay dagaallada iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo.
Doodda ku saabsan socdaalka iyo qaxootiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn uga taagneyd Norway, iyadoo arrimaha mideynta qoysaska ay noqdeen mawduuc siyaasadeed oo si adag loogu kala aragti duwan yahay.
Xigasho/kilde: Flertall for strengere asyl-regler: Må tjene en halv million