Dowladda Norway oo doonaysa inay adkeyso sharciyada fasaxa jirrada.

Dowladda Norway ayaa soo jeedisay qorshe cusub oo lagu yareynayo dadka qaata fasaxa jirrada ee buuxa (100 prosent sykemelding). Dowladda ayaa doonaysa in dad badan ay shaqeeyaan qayb ahaan, xitaa haddii ay jiran yihiin, si loo yareeyo kharashaadka ku baxa maqnaanshaha shaqada.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee NTB, heerka maqnaanshaha shaqada ee Norway wuxuu sanadkii hore ahaa 6.57 boqolkiiba. Inkastoo uu yahay heerkii ugu hooseeyay saddexdii sano ee u dambeysay, haddana weli wuu ka sarreeyaa heerkii jiray kahor xiligii uu bilowday xanuunka corona.

Wasiirka caafimaadka Norway Jan Christian Vestre ayaa sheegay in maqnaanshaha shaqada uu dowlada iyo bulshadaba ugu kaco lacag aad u badan dhaqaale ahaan.

Sidoo kale wasiirka shaqada Kjersti Stenseng ayaa sheegtay in dowladda ay rabto in laga hortago in dadka si buuxda looga fasaxo shaqada, haddii ay awoodaan inay qeyb ahaan, haba yaraatee ay shaqeeyaan.

– Dadku waa inay shaqayn karaan xitaa marka ay wax yar jiran yihiin, ayay Stenseng u sheegtay wargeyska VG.

Waa maxay “gradert sykemelding”?

“Gradert sykemelding” waxay ka dhigan tahay in qofka uusan gabi ahaanba shaqada ka maqnaan, balse uu shaqeeyo boqolkiiba in cayiman oo lagu heshiiyay.

Tusaale ahaan, dhakhtarku wuxuu qofka siin karaa 80 boqolkiiba fasax jirro ah. Taasi waxay la micno tahay inuu shaqaynayo hal maalin toddobaadkii. Sidoo kale qofka iyo loo shaqeeyaha ayaa isla qorsheyn kara inta uu shaqayn karo marka xaaladdiisu soo hagaagayso.

Maanta ku dhowaad 40 boqolkiiba dhammaan fasaxyada jirrada ayaa ah kuwa qayb ahaan loo shaqeeyo. Wasaaradda caafimaadka ayaa hadda doonaysa in ku dhowaad dhammaan fasaxyada jirrada ay noqdaan kuwo noocan ah.

Dowladda ayaa soo jeedisay tallaabooyin dhowr ah oo lagu dhimayo maqnaanshaha shaqada:

– Dadka runtii u baahan fasax jirro way heli doonaan. Laakiin dad ka badan kuwa maanta jira waa inay helaan fasax jirro oo qayb ahaan ah, ayuu yiri Jan Christian Vestre.

  • In la sameeyo xeerar cusub oo ay dhakhaatiirtu ku qiimeeyaan bukaannada si isku mid ah
  • In la yareeyo dadka si buuxda looga fasaxo shaqada
  • In dadka lagu dhiirrigeliyo inay shaqeeyaan inta ay awoodaan
  • In dhakhaatiirta qoyska (fastleger) la siiyo lacag dheeraad ah haddii ay dadka ka caawiyaan inay shaqeeyaan halkii ay si buuxda uga fasixi lahaayeen shaqada
  • In dhakhaatiirtu bixiyaan sabab adag haddii qof loo qoro fasax jirro oo buuxa

Dhaleeceyn ka timid dhakhaatiirta:

Legeforeningen ayaa dhaleeceysay qorshayaasha cusub. Ururka ayaa sheegay inay ku raacsan yihiin dowladda in la yareeyo dadka si buuxda looga fasaxo shaqada, balse aysan ku qanacsanayn habka loo marayo.

Ururka dhakhaatiirta ayaa sheegay in loo shaqeeyayaasha ay tahay inay si wanaagsan ula socdaan shaqaalaha marka ay muddo gaaban jiran yihiin, si looga hortago maqnaansho dheer.

– Haddii aan rabno inaan hoos u dhigno maqnaanshaha shaqada, waa in wada shaqeynta u dhexeysa goobaha shaqada, NAV iyo dhakhaatiirta ay noqotaa mid ka wanaagsan. Taasi waxay muhiim u tahay taageerada dadka u baahan caawinta, ayay tiri Anne-Karin Rime oo la hadashay VG.

Qorshahan cusub ayaa durba dood weyn ka dhaliyay Norway, iyadoo qaar ay u arkaan hab lagu badbaadinayo dhaqaalaha dowladda, halka kuwo kale ay ka cabsi qabaan in dadka jiran lagu cadaadiyo inay shaqeeyaan iyagoo aan weli caafimaad qabin.

Xigasho/kilde: Vil kun at folk blir delvis sykemeldt

Latest news
Related news