Oslo – Laga bilaabo 1-dii bishan Abriil 2026, waxaa dhaqan galay xeer cusub oo dadweynaha Norway u ogolaanayo inay qaab fogaan arag ah(video), telefon ama fariin(sms) ay ula kulmi karaan dhaqtarkooda gaarka ah uuna u qori karo daawooyin isaga oo aan si toos ah ula kulmin.
Sharcigan cusub ayaa dhakhtarka awood u siinayo inuu bukaanku ku qaabilo xafiiskiisa, ama inuu qaab digital ah ama telefoon ah ula kulmo. Waxaana badanaa ay noqon doonaan xaaladdo uu dhakhtarku macluumaad buuxo ka heysto xaaladdaha caafimaad ee qofka iyo duruuftiisa.
Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka, Jan Christian Vestre, ayaa sheegay inay muhiim tahay in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwa la jaanqaadi kara nolosha casriga ah ee dadka.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah casriyeynta adeegyada caafimaadka ee Norway, iyadoo la rajeynayo inay fududeyso helitaanka adeegyada caafimaad ee dadweynaha.