Oslo – Booliska Norway ayaa gacanta ku dhigay wiil dhalinyaro ah oo loo haysto dilka nin da’ ah, kaddib dhacdo naxdin leh oo fiidnimadii Talaadada ka dhacday deegaanka Holmenkollen ee magaaladda Oslo.
Booliska ayaa sheegay in ay heleen war ku saabsan muran xooggan oo u dhexeeyay wiilka iyo ninka da’da ah. Markii ay goobta gaareen, waxay heleen nin si xun u dhaawacmay oo isla markaa u baahnaa gargaar deg deg ah.
– Markii aan goobta tagnay, waxaan helnay qof dhaawac culus qaba, ayay tiri Anne Alræk Solem oo la hadashay warbaahinta Avisa Oslo.
Inkastoo gurmad caafimaad la sameeyay, haddana ninkii dhaawacmay ayaa markii danbe geeriyooday. Booliska ayaa si degdeg ah u qabtay wiilka dhalinyarada ah, waxaana hadda loo haystaa dacwad la xiriirta dil.
Maalintii Arbacada, booliska ayaa xaqiijiyay in ninka la dilay uu ahaa awoowga eedaysanaha, taas oo sii kordhisay murugada iyo culayska dhacdada.
Booliska ayaa intaa ku daray in baaritaanka uu weli socdo, islamarkaana diiradda la saarayo waxa sababay falka iyo dhacdooyinkii ka horreeyay dilka.
Xigasho/kilde: Drapet på Holmen: Ung mann siktet for drap på egen bestefar