Dowladda Norway ayaa soo jeedisay sharci cusub oo dhigaya in carruurta ka yar 16 sano aysan isticmaali karin baraha bulshada. Sharcigan ayaa la filayaa inuu dhaqan galo sanadka soo socda haddii ay ansixiyaan golaha baarlamaanka Norway.
Sharciga cusub wuxuu ku qasbayaa shirkadaha teknoolojiyadda ee iska leh baraha bulshada, inay hubiyaan da’da isticmaalayaasha marka ay galayaan baraha bulshada. Wasiirka arrimaha tiknoolijiyada Norway Karianne Tung ayaa sheegtay in hadii sharcigan uu dhaqangalo, shirkadaha jebiya sharcigan ay wajihi doonaan ganaaxyo adag.
Ra’iisul wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre ayaa sheegay in la xadido da´da dadka adeegsada baraha bulshada ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo carruurta iyo dhalinyarada norway. Sidoo kale wasiirka carruurta iyo qoyska Lene Vågslid ayaa sheegtay in carruurta aysan ku habboonayn inay saameeyaan algoritmyada( xogta laga uruuriyo) baraha bulshada.
Dowladdu waxay tilmaantay dhibaatooyin ay ka mid yihiin cagajuglaynta internetka, ku tiirsanaanta mobilka iyo waqti badan oo shaashadda lagu qaato, kuwaas oo sabab u ah in la adkeeyo xeerarka quseeya baraha bulshada.
Dhanka kale, hay’adda ilaalinta xogta Datatilsynet ayaa ka digtay in nidaamka hubinta da’da uu keeni karo dhibaatooyin la xiriira asturnaanta xogta iyo uruurinta macluumaad badan oo shakhsi ah.
Xisbiga mucaaradka ah Fremskrittspartiet ayaa isna muujiyay shaki, iyagoo sheegay in ay adkaan karto in sharcigan si dhab ah loo dhaqan geliyo, maadaama carruurtu ay heli karaan siyaabo ay uga gudbaan xeerarka.
Tirakoobyo ayaa muujinaya in carruur badan ay horey u isticmaalaan baraha bulshada, inkastoo xadka hadda jira uu yahay 13 sano. Tani waxay muujinaysaa caqabadda ka iman karta hirgelinta sharcigan cusub.
Xigasho/kilde: Støre vil forby sosiale medier før man fyller 16 år