Ra’iisul wasaaraha Norway dalkan Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa sheegay in Norway aysan qorsheyneyn inay ka qayb qaadato hawlgal militari oo lagu ilaalinayo marin-badeedka muhiimka ah ee Hormuz, inkasta oo ay jiraan cadaadis siyaasadeed oo ka yimid dowlada Mareykanka.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay in dalalka xubnaha ka ah NATO ay wajihi karaan cawaaqib haddii aysan gacan ka geysan ilaalinta marinkan muhiimka ah u ah maraakiibta caalamiga ah.
Trump ayaa hore ugu baaqay dalal badan oo xulafadiisa ah oo ku yaalla Yurub iyo Aasiya inay ka caawiyaan ilaalinta marinka Hormuz, si maraakiibta ganacsiga ay si nabad ah ugu socdaan.
Støre ayaa si cad u sheegay in Norway aysan hadda arkin sabab ay ugu biirto hawlgal militari oo ku saabsan ilaalinta marinka Hormuz. Wuxuuna raaciyay inay muhiim tahay in Mareykanka uu marka hore la tashado dalalka saaxiibadda la ah, hadii ay qaadayaan talaabo u baahnaan karta iskaashi caalami ah.
Si kastaba ha ahaatee, dalal kale oo Yurub ah ayaa sidoo kale diiday codsigan. Tyskland iyo Storbritannia ayaa ka mid ah dalalka sheegay inaysan ka qayb qaadan doonin hawlgalkan.
Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegay in dowladda Norway ay si dhow ula socoto xaaladda Bariga Dhexe, laakiin aanay jirin wax qorshe ah oo ku saabsan in ciidamada Norway loo diro halkaas.
Marinka Hormuz waa mid ka mid ah marinnada badda ee ugu muhiimsan adduunka, waxaana mara qayb weyn oo ka mid ah shidaalka laga dhoofiyo dalalka Khaliijka.
Xigasho/kilde: Støre avviser norsk Hormuz-bistand etter Trumps Nato-trusler