Oslo – Nin ku jiray da’da 50-meeyada ayaa ku dhintay dab ka kacay guri ku yaalla xaafadda Grønland ee magaaladda Oslo, sida ay sheegeen booliska iyo dab-damiska.
Kooxaha gurmadka oo si deg deg ah u gaaray guriga uu dabka ka kacay ayaa, iyagoo ku guuleystay inay damiyaan dabka, balse marxuumka geeriyooday ayaa laga helay gudaha guriga isagoo aan noolayn.
Booliska ayaa xaqiijiyay geerida, waxayna sheegeen in ninka uu ku sugnaa gudaha marka dabku kacay. Sababta rasmiga ah ee dabka dhalisay weli lama oga, waxaana boolisku bilaabeen baaritaano ku saabsan kiiskan.
Waxaa sidoo kale la baarayaa in dabka uu si shil ah ku yimid iyo haddii ay jiraan waxyaabo kale oo sababay.