Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway, Utenriksdepartementet (UD), ayaa si rasmi ah uga digtay dhammaan safarrada loo aado toban dal oo ku yaalla Bariga Dhexe. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerar ku qaadeen Iran maalintii Sabtida.
UD ayaa sheegtay in xaaladda amniga ee Bariga Dhexe ay tahay mid halis ah oo aan la saadaalin karin, isla markaana xiisaddu ay saameyneyso xitaa dalal aan si toos ah uga qeyb qaadan colaadda.
Dalalka Laga Digtay Safarka
Wasaaradda ayaa hadda ka digtay safarro loo aado dalalkan:
Israel, Falastiin, Libanon, Urdun, Isu-taga imaaraadka carabta(UAE), , Saudi Arabia, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Irak
Talo Ku Socota Muwaadiniinta Norway:
Wasaaradda ayaa ku boorrisay muwaadiniinta Norway ee ku sugan dalalkan inay si gaar ah u ilaashadaan ammaankooda, raacaan tilmaamaha maamulka maxalliga ah, isla markaana raadsadaan meel ay ku nabadgalaan haddii xaaladdu kasii darto.
Wasiirka arrimaha dibadda, Espen Barth Eide, ayaa Axaddii sheegay in xaaladdu tahay mid degdeg ah oo u baahan feejignaan iyo taxaddar dheeraad ah.
UD ayaa ku adkaysay in dadka qorsheynaya safarro ku wajahan Bariga Dhexe ay si dhow ula socdaan wararka iyo talooyinka safarka ee rasmiga ah.