torsdag, april 16, 2026

Norway oo diyaarad u dirtay dalka Cumaan.

Dowladda Norway ayaa qorsheysay duulimaad gaar ah oo muwaadiniinta Norway looga soo qaadayo dalka cumaan, kaas oo ay ku xayiranyihiin dad badan oo ka tagay qaaradda Yurub.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Utenriksdepartementet (UD) ayaa sheegtay inay iskaashi la sameysay shirkadda duulimaadyada Norwegian si loo diyaariyo diyaarad ka duuli doonta magaalada Muscat ee dalka Oman, beri oo axad ah, taariikdhuna ay tahay 8-da Maarso. so.

UD ayaa si toos ah ula xiriiri doonta dadka la siinayo fursadda kursi diyaaradaas. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ay dadkaasi ku gaari doonaan garoonka diyaaradaha ayaa sidoo kale la bixin doonaa.

Dowladda: Xaaladdu Waa Mid Aad u Adag

Ra’iisul wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa sheegay in xaaladda Bariga Dhexe ay tahay mid khatar ah oo saameyn ku yeelatay muwaadiniinta Norway ee ku sugan gobolka.

“Xaaladda Bariga Dhexe waa mid halis ah, waxaana si weyn u fahmaynaa in dad badan ay ku sugan yihiin xaalad adag. Dowladda Norway waxay tan iyo markii uu dagaalku bilowday caawinaysay muwaadiniinteeda ku sugan gobolka,” ayuu yiri Støre.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Norway ay hadda leedahay laba kooxood oo gurmad ah oo jooga Dubai iyo Muscat, kuwaas oo caawinaya dadka doonaya inay dalka ku laabtaan.

Wasiirka arrimaha dibadda, Espen Barth Eide, ayaa sheegay in duulimaadka marka hore ahmiyad la siin doono dadka ugu nugul.

Mudnaanta waxaa la siin doonaa:

  • Qoysaska leh carruur da’doodu u dhaxayso 0 ilaa 12 sano
  • Haweenka uurka leh
  • Dadka qaba baahiyo caafimaad oo gaar ah

Wuxuu sidoo kale xusay in xaaladda amniga ee gobolka ay weli tahay mid aad u halis ah, isla markaana ay suurtagal tahay in isbeddello degdeg ah ay ku yimaadaan qorshaha duulimaadka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in tirada kuraasta diyaarada ay xaddidan tahay. Sidaas darteed dadka ka tirsan kooxaha mudnaanta leh ee doonaya inay safarkan ka faa’iideystaan waxaa lagu booriyay inay la xiriiraan xarunta hawlgallada ee UD.

Wada Shaqeyn La Leh Dalal Kale

Wasaaradda ayaa sidoo kale la xiriireysa dalalka Nordic iyo kuwa Yurub si loo ogaado haddii kuraas bannaan ay ka jiraan duulimaadyada ay diyaariyaan dalal kale.

UD waxay ku boorisay dadka safarka doonaya inay ka faa’iideystaan duulimaadyada ganacsi haddii ay helaan fursad, maadaama duulimaadyo ganacsi ay weli ka baxayaan gobolka. Dadka safarka qorsheynaya ayaa lagu dhiirrigeliyay inay si joogto ah ula xiriiraan shirkadaha diyaaradaha.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x