torsdag, april 16, 2026

Hooyo iyo 3-deeda wiil oo xabsiga loo dhigay qarixii safaaradda Mareykanka.

Booliska Oslo ayaa dhamaadka isbuucii horey xabsiga dhigay sadex wiil oo walaalo ah oo lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen qarixii isbuuc kahor ka dhacay safaaradda Mareykanka ee dalkan Norway. Booliska ayaa sidoo kale soo xiray hooyada dhashay sadexda wiil, oo iyadna boolisku tuhunsanyihiin inay lug ku leedahay dhacdadan.

Booliska ayaa aaminsan in mid kamid sadexda wiil ee walaalaha ah uu miinadda dhigay afaafka safaaradda, halka hooyadda iyo labo wiil oo walaalihiis ay gacan caawin ku lahaayeen. Wiilka lagu eedeeyay inuu miinadda ag-dhigay safaaradda ayaa qirtay falkaas.

Afarta qof ee halka qoys katirsanba waxaa la dhigay xabsiga, iyada oo loo jaray afar isbuuc oo xabsi hordhac ah, waxaana laga mamnuucay booqasho iyo inay sameeyaan xiriir dibadda ah.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x