torsdag, april 16, 2026

Dowlada oo ka fakareyso in dadka “deltid” ay xuquuq dheeri helaan.

Oslo – Dowladda Norway qorsheyneyso inay wax ka beddesho sharciyada shaqada iyo shaqaalaha si loo xoojiyo xuquuqda dadka aan si buuxdo u shaqeyn ee shaqeeya “deltid-ka”, kaddib cadaadis ka yimid go’aan maxkamadeed oo arrintan khuseeya.

Mid kamid ah sadexdii qof ee shaqeeya Norway(1/3) ayaa ku shaqeeya qaab “deltid” ah. halka 20% dadka shaqeeya shaqada fullka ah, ay heystaan shaqooyin kale oo dheeraad ah oo deltid ah.

Xuquuq iyo Mushahar Dheeraad ah:

Dowladda ayaa horaantii isbuucan qabatay kulan degdeg ah oo looga hadlay xuquuqda shaqaalaha shaqeeya deltid-ka. Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ayaa ahaa in shaqaalaha la siiyo mushahar dheeraad ah marka ay shaqeeyaan saacado ka badan kuwii lagu heshiiyay.

Sida uu qabo sharciga hadda jira, qofku waa inuu shaqeeyo in ka badan 37.5 saacadood toddobaadkii si uu u helo lacagta saacadaha dheeraadka ah (overtime). Taas oo aan xuquuq uu ku heli karo mushaarka saacaddaha dheeraadka ah aan siineyn dadka shaqeeya wax yar 37,5 saacadood isbuucii.

Arrintan ayaa lagu dhaliilay inay tahay mid aan caddaalad ahayn, gaar ahaan marka loo eego go’aan ay dhawaan gaartay maxkamadda midowga Yurub, taas oo sheegtay in xeerka shaqaalaha Norway ee khuseeya qodobkan uu yahay mid aan u cadaalad faleyn dadka shaqeeya, oo xuquuqdooda lagu duudsiinayo dadka shaqeeya deltid-ka.

Midowga Yurub ayaana hada go aamiyay in qofka shaqeeya deltid-ka uu xaq u leeyahay inuu helo mushaar dheeraad ah, haduu uu shaqeeyo saacado ka badan intii uu kula heshiiyay goobtiisa shaqada ama heshiiska shaqada.

Dowladda Norway ayaa sidoo kale ka doodaysa in la xoojiyo xuquuqda shaqaalaha shaqeeya deltid-ka ee ku aaddan helitaanka shaqo joogto ah. Tani waxay ka dhigan tahay in hadii uu jiro qof qaab deltid ah ugu shaqeeyo shirkad, uu mudnaanta koowaad lahaanayo hadii ay soo baxdo shaqo full ah oo ka banaan goobta uu qofkaasi ka shaqeeyo.

Dowladda Norway waxay muujisay inay doonayso in sharciyada la waafajiyo aragtida Midowga Yurub, si loo hubiyo in shaqaalaha shaqeeya deltid-ka ay helaan xuquuq lamid ah kuwa shaqeeya kuwa full-ka. arrintaas oo la filayo inay saameyn ku yeelan doono boqolaal kun oo shaqaale ah oo Norway ka shaqeeya.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x