torsdag, april 16, 2026

Caawa ayay saacadu isku badaleysaa xiligii sommerka.

Caawa oo ah habeen ay soo galeyso axad, Norway waxay si rasmi ah ugu gudbaysaa waqtiga xagaaga, iyadoo saacadda lasoo hormarinayo hal saac.

Marka ay saacaddu gaarto 02:00 habeenimo, waxa ay si toos ah isugu badaleysaa 03:00, taasoo la micno ah in dadku ay caawa luminayaan hal saac oo hurdo ah.

Isbeddelkan sannadlaha ah ayaa qayb ka ah nidaamka waqtiga xagaaga, kaas oo loogu talagalay in la kordhiyo iftiinka maalinta inta lagu jiro bilaha guga iyo xagaaga.

Inkasta oo nidaamkani uu faa’iido u leeyahay ka faa’iidaysiga iftiinka dabiiciga ah, haddana dad badan ayaa dareema daal iyo jahwareer maalmaha ugu horreeya ee isbeddelka, maadaama jadwalka hurdada uu si ku-meel-gaar ah u is beddelo.

Qalabka casriga ah sida taleefannada gacanta iyo kombiyuutarada ayaa si toos ah isu badala, balse dadka isticmaala saacado gacanta ama kuwa gidaarka ah waa inay iyagu saxaan saacadda.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x