Booliska magaaladda Oslo ayaa sheegay inay baadi-goobayaan hal ama dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan qarax xalay oo axad aheyd ka dhacay bannaanka safaaradda Mareykanka ee Oslo Boolisku waxay sheegeen in dhacdadan loo arko weerar si gaar ah loogu bartilmaameedsaday safaaradda.
Qaraxa ayaa dhacay qiyaastii 01:00 habeenimo meel u dhow albaabka qunsuliyadda ee safaaradda Mareykanka. Inkastoo qaraxu uu ahaa mid xooggan, hadana lama soo sheegin wax dhaawac ah ama dhimasho nafeed ah, marka laga reebo hanti burbur.
Booliska Oslo ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ballaaran oo lagu raadinayo dembilayaasha. baaritaano badan ayaa lagu sameynayaa goobta, waxaana la adeegsanayaa diyaarado aan duuliye lahayn (drones), baaritaanka eeyaha, iyo diyaaraddaha helikobtar si loo ururiyo caddeymaha kiiskan ayay boolisku sheegeen.
Saraakiisha ayaa sidoo kale baaraya muuqaallada kamaradaha CCTV-ga iyo caddeymo kale oo farsamo. Ilaa hadda ma jiro qof si rasmi ah loogu eedeeyay weerarkan.
Mas’uuliyiinta booliska ayaa sheegay in isticmaalka weerar qarax ah oo lagu beegsaday safaarad ay tahay arrin aad u culus oo amni. Sida ay sheegeen, waa dhacdo aan caadi ahayn oo si weyn looga howlgali ah doono. .
Qaar ka mid ah khubarada amniga ayaa sheegay in weerarka laga yaabo inuu xiriir la leeyahay xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe, inkastoo boolisku ay weli furan yihiin dhammaan suurtagalnimada.
Ka dib dhacdadan, ammaanka agagaarka safaaradaha iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee Oslo ayaa la xoojiyay. Boolisku waxay sidoo kale caddeeyeen in heerka khatarta ee qaranka aan weli la bedelin.
Dhacdadan ayaa si weyn u soo jiidatay dareenka shacabka, maadaama qarax lagu qaado safaarad ku taalla caasimadda Norway uu yahay arrin aad u naadir ah isla markaana leh saameyn siyaasadeed iyo amni oo ballaaran.