torsdag, april 16, 2026

92% dadka galay imtixaanka jinsiyada ayaa natiijo wanaagsan keenay.

Marka uu qofka codsado jinsiyada ama baasaboorka Norway, mid kamid ah shuruudaha qofka lagu xiro ayaa ah imtixaanka jinsiyada. Sanadkii lasoo dhaafay 5973 qof oo codsaday jinsiyada Norway, ayaa galay imtixaankaas, 5517 qof oo kamid ah dadkaas ayaana baasay.

Tirada ayaa ka dhigan in 92% dadka galay imtixaanka ay baaseen, ama 9 qof oo kamid an 10-kii qof ee imtixaanka galay ayaa baasay.

Wasiirka shaqada iyo is-dhexgalka bulshada, Kjersti Stenseng, ayaa muujisay farxad ku aaddan natiijooyinka sare.

– Aad ayaan ugu faraxsanahay in inta badan dadka ay ku guuleystaan imtixaanka muwaadinnimada. Aqoonta dalka aad ku nooshahay waa tiir muhiim u ah is-dhexgal wanaagsan, oo ay weheliso barashada luqadda iyo ka qaybgalka shaqada, ayay tiri wasiirku.

Agaasimaha hey adda aqoonta iyo waxbarashada sarre ee Norway (Direktoratet for høyere utdanning og kompetanse), Sveinung Skule, ayaa sheegay in natiijooyinku ay muujinayaan horumar wanaagsan.

– Natiijooyinka guud ahaan dalka waa kuwo deggan oo wanaagsan. Tani waa calaamad muujinaysa in dadka imtixaanka galaya ay heleen aqoon ku filan oo ku saabsan bulshada Norway, ayuu yiri.

Natiijooyinka imtixaanka muwaadinnimada ayaa muujinayo in inta badan dadka codsanaya jinsiyadda Norway ay si wanaagsan u fahmeen bulshada iyo nidaamka dalka. Si kastaba, waxaa weli jiro caqabado la xiriira helitaanka jinsiayda, sida sugitaanka dheer oo dad badan ay sugaan inta ay ka helayaan jawaabta codsiga helitaanka jinsiyada.

Halkan kasii akhri: Over ni av ti består statsborgerprøven

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x