torsdag, april 16, 2026

1-April: Qiimaha shidaalka baabuurta oo qiimo-dhimis lagu sameynayo.

Oslo – Tan iyo intii uu qarxay dagaalka barriga dhexe, si lamid ah dalalka kale ee Yurub, Qiimaha lagu iibiyo shidaalka baabuurta ee gudaha Norway. qiimo-kororkaas ayaa abuuray doodo xoogan oo siyaasadeed iyo guux dadweyne, maadaama Norway ay kamid tahay wadamadda soo saaro shidaalka, faa’iido badan oo dhaqaalana ka sameynayo qiimo-korarka shidaalka ee ka dhashay dagaalka bariga dhexe.

Dhammaadkii toddobaadkii hore, dadweyne badan ayaa sameeyay dibadbaxyo lagu magacaabay “dieselbrølet”, iyagoo si ula kac ah xawaare hoose ku waday baabuurta, waddooyinka waaweyn ee dalka oo dhan si ay uga muujiyaan cabashadooda ku aadan sicirka shidaalka.

Baarlamaanka Norway ayaa isbuucii hore soo saaray xeer deg-deg ah oo wax looga qabanayo qiimo-kaca shidaalka, waxaana baarlamaanku uu go’aamiyay in dowladda ay tallaabo qaaddo si loo dhimo qiimaha shidaalka. Inkastoo xisbiga xukunka hayo ee shaqaalaha(Ap) uu markii hore ka soo horjeeday arrintaas, haddana aqlabiyadda baarlamaanka ayaa Jimcihii u codeeyay in la hirgeliyo qorshahan.

Laga bilaabo arbacadda qiimo-dhimis:

Dowladda oo fulineyso amarka baarlamaanka ayaa shaacisay in laga bilaabo Arbacada, oo ku beegan 1-da bisha Abriil, si ku-meel-gaar ah loo joojin doono canshuurta wado-marista ee loo yaqaan “veibruksavgift”. Arrintaas oo looga danleeyahay in lagu dhimo qiimaha shidaalka.

Tani waxay ka dhigan tahay: Qiimaha shidaalka loo yaqaana (bensin) oo hoos u dhacaya 4,41 kr halkii litirba, halka Qiimaha diesel-ka oo hoos u dhacaya 2,85 kr halkii litir.

Canshuurtaas ayaa la joojin doonaa ilaa 1-da Sebtembar, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka dowladda.

Wasiirka maaliyadda, Jens Stoltenberg, ayaa Isniintii sheegay in tallaabadan loogu talagalay in lagu yareeyo culayska dhaqaale ee saaran dadka isticmaala gaadiidka.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in kaalmiaha iibiyo shidaalka ay shidaalka ay si dhab ah u dhaqan geliyaan dhimista, si shacabka ay u arkaan hoos u dhaca qiimaha.

Inkastoo tallaabadan lagu yareynayo qiimaha shidaalka ay tahay mid ku-meel-gaar ah, haddana waxay muujinaysaa sida cadaadiska dadweynaha iyo xaaladaha caalamiga ah ay u saameyn karaan go’aannada siyaasadeed ee gudaha dalka. Dowladda ayaa rajeyneysa in tallaabadan ay si toos ah u caawin doonto dadka, inkastoo indhaha lagu hayo sida ay shirkadaha shidaalku uga jawaabaan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x