Dowladda Sweden ayaa qorshaynaysa inay gargaarka horumarineed ee ay siiso dalalka soo korayo ay u adeegsato sidii cadaadis ahaan, si ay dalal kala duwan ugu qanciso ama ugu cadaadiso inay dib u qaataan muwaadiniintooda laga soo masaafuriyay Sweden.
Xukuumadda Sweden ayaa amartay hay’adda gargaarka horumarinta ee Sida inay diyaarisay habab cusub oo iskaashi horumarineed, kuwaas oo shuruud ka dhigaya in dalalka qaata gargaarka ay la shaqeeyaan Iswiidhan marka ay timaado soo celinta dadka laga musaafurinayo Sweden.
Wasiirka gargaarka iyo ganacsiga dibadda ee Benjamin Dousa ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid cadaalad ah.
– Waa sax inaan shuruudo ku xirno dalalka qaata boqollaal milyan oo ka mid ah lacagta canshuur-bixiyeyaasha, si ay sidoo kale u qaataan muwaadiniintooda aan haysan sharci ay ku joogaan Iswiidhan, ayuu yiri wasiirku.
Sida ay dowladdu sheegtay, marka hey adda deeqda Sweden ee Sida qiimeynayso inay gargaar siiso dal, waa in gargaarku sidoo kale kor u qaadaa ganacsiga Iswiidhan iyo danaha siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga. Arrimaha socdaalka ayaa sidoo kale mudnaan gaar ah la siin doonaa.
Agaasimaha guud ee Sida, Hanna Hellquist, ayaa sheegtay in mustaqbalka la eegi doono iskaashi ku saleysan “wada-guuleysi=Win-win” oo si cad u muujinaya danaha labada dhinac.
– Waa inaan ka fikirnaa qaab iskaashi oo labada dhinacba faa’iido u leh, kana cad wixii hore, ayay tiri.
Waxaa intaas dheer ay dowlada Sweden ay dhimi doonto deeqdii ay ku bixin jirtay dalalka dibadda. Tani waxay ka dhigan tahay in Iswiidhan ay raacayso waddamo kale oo horey u yareeyay gargaarkooda dibadda. Taageerada la siin jiray dalal ku yaalla Afrika iyo Latin Ameerika qaarkood ayaa la joojin doonaa, halka dalka Ukraina la siin doono mudnaan gaar ah.
Isbeddelladan ayaa muujinaya jihada cusub ee siyaasadda gargaarka Iswiidhan, taas oo si toos ah ula xiriirinaysa horumarinta, ganacsiga iyo siyaasadda socdaalka.