Boqorka dalkan Norway, Kong Harald V ayaa isbuucan waraaqaha safiirnimo ka gudoomi doono danjiraha Soomaaliya ee dalalka Nordica, Danjire Abdikarim Ahmed Mohamed.
Danjire Abdikarim oo sidoo kale ah safiirka Soomaaliya ee dalalka Sweden, Danmark, Norway iyo Finland ayaa noqon doono safiirkii ugu horeeyay ee dowlada Soomaaliya ay ku yeelato dalkan Norway mudo 35 sano, tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.
Marka laga tago dhiibista waraaqaha safiirnimo, safiirka Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la yeelan doono masuuliyiin ka socdo wasaaradda arrimaha dibadda Norway.
Safaaradda Soomaaliya ee Sweden oo ah xarunta shaqo ee safiirka ayaa inkasta oo xarun-safaaradda ama qunsuliyad aysan ku laheyn Norway, waxa sanadihii ugu danbeeyay adeegyo kala duwan, oo ay kamid tahay bixinta baasabooradda, u fidineysay soomaalida Norway, gaar ahaan caasimadda Oslo.
Norway waxaa kunool jaaliyadda labaad ee ugu balaaran dalalka Nordica, waxa ayna marar kala duwan gudbiyeen codsiyo ku aadan joogteynta adeega safaaradda iyo xoojinta doorka dowlada Soomaaliya ee garab-istaaga soomaalida dalkan kunool.