torsdag, april 16, 2026

Safiirka Soomaaliya: Waxaan Oslo ka fureynaa qunsuliyad

Khamiistii lasoo dhaafay boqorka dalkan Norway Kong Harald ayaa waraaqaha safiirnimo ka gudoomay safiirka dalalka Nordica(Sweden, Norway, Finland iyo Denmark) u qaabilsan Soomaaliya, Abdikarim Ahmed Mohamed, isaga oo wixii intaas ka danbeeyay si rasmi ah u noqday danjiraha dowlada Soomaaliya ee Norway.

Safiir Abdikarim ayaa wareysiyo uu siiyay warbaahinta ku sheegay in Norway ay kamid tahay dalalka ugu badan ee ay ka jirto baahida adeega safaaradda, gaar ahaan bixinta baasaboorka, waraaqaha aqoonsiga, dhalashada, guurka iyo cadeynta iibsiga hantida ma guurtada ah. Wuxuuna sheegay in dad badan oo Norway ka tagay ay adeegaas hada u doontaan Sweden, arrintaas oo ay dadka qaarkiis ay kasoo gudbiyeen cabasho dhanka safarka iyo masaafadda ah.

Safiirka ayaa sheegay inay bilaabeen shaqada furitaanka qunsuliyad iyo xafiis safaaradeed oo safaaradda Soomaaliya u qaabilsan bixinta adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed ee Norway ay uga baahanyihiin safaaradda. Isaga oo raaciyay inay hadaba bilaabeen raadinta goob ay degto safaaradda, ayna qaar kamid ah howlwadeenadda hey adda socdaalka ee joogo Stocklom iyo diblomaasiyiinta katirsan safaaradda ay xaruntooda shaqo usoo badalan doonaan Oslo.

Cabashada ku aadan in soomaalida Norway aysan helin adeegyadda safaaradda ayaa soo taagnaa in mudo ah, iyada oo safiirku uu sheegay inuu intii uu joogay Norway la kulmay qaar kamid ah qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee Norway, ayna u xaqiijiyeen baahida arrintaas ka jirto. wuxuuna safiirku sheegay inay sida ugu deg-dega badan arrintaas uga howlgeli doonaan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x