Tirada dambiyada ay ku lug leeyihiin carruurta iyo dhallinyarada ay da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 17 sano ayaa hoos u dhacday sanadkii tegay, sida lagu sheegay tirakoob ay soo saareen booliska Oslo. Taas oo jirta , hadana waxa ay tirooyinku muujinayaan isbeddel aan wanaagsaneyn oo sheegaya in dhalinyarada qaarkood ay ku leg yeesheen danbiyo culus oo loo fuliyay qaabab cusub, taas oo abuurtay walaac hor leh.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray boolisku, waxaa sanadkii hore la diiwaangeliyay 3.107 dacwadood oo la xiriira carruur iyo dhallinyaro. Taas oo ka dhigan inuu jiro hoos 4.8% ah, marka lala barbardhigo sanadkii ka horreeyay ee 2024.
Taliyaha booliska Oslo, Ida Melbo Øystese, ayaa sheegtay in hoos u dhacaasi uusan ku iman si kadis ah, balse uu yahay natiijo ka dhalatay dadaallo wadajir ah.
“Sanadihii u dambeeyay waxaa jiray dadaal mideysan oo ay sameeyeen degmooyinka, dowladda iyo booliska. Tirooyinkan waxay muujinayaan in wada-shaqeyntaasi miro dhashay,” ayay tiri Øystese.
Boolisku waxay si gaar ah u tilmaameen saddex arrimood oo la rumeysan yahay inay door weyn ka qaateen hoos u dhaca:
-Midda koowaad waa la socod shaqsiyeed oo gaar ah (én-til-én-oppfølging) oo ay bixiso degmada Oslo, taas oo si dhow ula shaqeysa dhallinyarada khatarta ku jirta.
-Midda labaad waa hirgelinta nidaam maxkamadeed oo degdeg ah oo si gaar ah loogu talagalay dambiyada dhallinyarada.
-Midda saddexaadna waa xoojinta joogitaanka iyo dabagalka booliska ee xaafadaha iyo goobaha mudnaanta leh.
Sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan ka dib dhacdooyin si weyn looga hadlay oo ka dhacay Oslo, Asker iyo Bærum, arrimaha la xiriira dambiyada dhallinyarada waxay noqdeen mawduuc si joogto ah uga dhex muuqda warbaahinta iyo doodaha bulshada.
Guud ahaan magaaladda Oslo, waxaa Sanadkii hore la diiwaangeliyay 86.380 dacwadood oo la xiriira dambiyo kala duwan – koror dhan 6 boqolkiiba marka loo eego sanadkii hore, iyo 16 boqolkiiba ka sarreeya celceliska shantii sano ee u dambeysay.
Kororkaasi wuxuu si weyn ugu xirnaa dambiyada la xiriira hanti raadis (vinning) iyo burburinta hanti (skadeverk).
Gaar ahaan, tuugada dukaamada ayaa si weyn u kordhay. Tiradu waxay kor u kacday 60.1 boqolkiiba muddadii u dhaxeysay 2024 ilaa 2025 – arrin si gaar ah u walaac gelisay ganacsatada iyo booliska labadaba.