torsdag, april 16, 2026

Norway oo soo saartay war aan ka farxin qoxootiga Suuriyaanka ah.

Dowlada Norway ayaa soo saartay habraac cusub oo looga jawaabayo codsiyada magangalyada qoxootinimo ee dadka u dhashay Suuriya, habraacaas oo aad u adkeynayo fursaddaha helitaanka magangalyada, sababi karana in dad badan ay diidmo helaan.

Adkeyntan ay dowladu adkeysay fursaddaha helitaanka magangalyada qoxootiga u dhashay Suuriya, ayaa lagu sababeeyay in xaaladda amniga guud ee dalkaas ay so hagaageysay sanadkii ugu danbeeyay.

Wasiirka cadaaladda iyo amniga Norway, Astri Aas-Hansen, ayaa sheegtay in siyaasaddan cusub ay qayb ka tahay hirgelinta siyaasada qoxootiga u ku dhisan xakameynta tirada qoxootiga, isla markaana ah mid cadaalad ku dhisan oo mudo shaqeyn karta.

“Dowladdu waa inay hirgelisaa siyaasad socdaal oo la xakameeyay, caddaalad ah oo waarta,” ayay tiri wasiirku.

Wasaaradda cadaaladda Norway ayaa sidoo kale sheegtay in mustaqbalka dhow, dad badan oo Suuriyaan ah ay “filan karaan diidmo” marka ay codsadaan magangalyo, maadaama ay jiraan calaamado muujinaya in xaaladda dalkooda wax ka soo hagaagayaan.

Inkasta oo qaar laga yaabo in loo diido magangalyo, dowladda ayaa sheegtay in dadka qaarkood ay weli heli karaan deganaansho ku saleysan sababo bini’aadamnimo.

Si kastaba, UDI waxaa hadda lagu amray inay qiimeyso in oggolaanshaha noocaas ah lagu xiro shuruudo xaaladeysan oo gaar ah.

Inkasta oo dadka qaarkood ay heli doonaan magangalyo ku dhisan bini-aadantinimo, hadana weli waxaa lasii adkeeyay xuquuqda dadkaas ee inay u dacwoon karaan qoysaskooda.

Tani waxay ka dhigan tahay in qofka la siiyo deganaansho sababo bini’aadamnimo ah uusan si toos ah xaq ugu yeelan doonin inuu keensado xubnaha qoyskiisa.

Dowladdu waxay sidoo kale tilmaantay in haddii xaaladda Suuriya ay sii hagaagto, baahida ay dad badan ugu qabaan deganaansho joogto ah Norway ay noqon karto mid su aalo la iska sii weydiin karo.

Isbeddelkan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn toos ah ku yeesho boqolaal Suuriyaan ah oo sugaya go’aan ku saabsan codsiyadooda, isla markaana uu abuuro dood cusub oo ku saabsan jihada siyaasadda socdaalka ee Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x