torsdag, april 16, 2026

Booliska oo mar kale kordhiyay ganaaxa jabinta xeerarka wadooyinka

Laga bilaabo 15-ka bishan Febraayo, ganaaxyada la xiriira jebinta xeerarka waddooyinka ayaa mar kale la kordhiyay. Unuga booliska Norway u qaabilsan badqabka wadooyinka aUtrykningspolitiet (UP) ayaa sare u qaaday lacagaha ganaaxyada, iyada oo arrintaas lagu sababeeyayy kororka qiimaha nolosha iyo kharashaadka guud ee bulshada.

Boolisku waxay ugu baaqayaan dhammaan darawallada inay feejignaan muujiyaan oo ay si adag u ilaaliyaan xeerarka waddooyinka si looga fogaado ganaaxyo qaali ah iyo shilal galaafan kara nolosha dad iyo duunyaba.

Qiimaha ganaaxyada cusub:

Hadaba marka qofka lagu xukumayo ganaax, waxaa lagu xisaabayaa xawaaraha uu kor uga kacay xawaaraha caadiga ah ee waddada:

Waddo 60 km/saacaddii ama ka yar:

Hadii wado uu xawaaraheedu yahay 60 KM ayaad kor uga kacdo KM soo socdo, waxaad la kulmeysaa ganaaxyada:

  • 5 km ka badan: 1 250 kr
  • 10 km ka badan: 3 350 kr
  • 15 km ka badan: 5 950 kr
  • 20 km ka badan: 8 650 kr
  • 25 km ka badan: 13 450 kr

Haddii darawalku uu 25 km ka kormaro xawaaraha xadka 60-zone, waxaa laga qaadi karaa laysanka baabur wadisa.

Waddo 70 km/saacaddii ama ka badan:

  • 5 km ka badan: 1 250 kr
  • 10 km ka badan: 3 350 kr
  • 15 km ka badan: 5 350 kr
  • 20 km ka badan: 7 450 kr
  • 25 km ka badan: 10 100 kr
  • 30 km ka badan: 13 450 kr
  • 35 km ka badan: 16 050 kr

Haddii darawalku 35 km ka bato xadka 70-zone ama ka badan, laysanka waa laga qaadi karaa.

Waddooyinka waaweyn (motorvei):

Ganaaxa ugu sarreeya wuxuu gaarayaa 16 700 kr marka xawaaruhu yahay 36–40 km ka badan xadka. Haddii darawalku 40 km ka bato xadka, wuxuu lumin karaa laysanka.

Ganaaxyo Kale oo Qaali ah

Jebinta xeerar kale ayaa sidoo kale leh ganaaxyo gaaraya 10 750 kr, waxaana ka mid ah:

  • Nalka casaanka oo la dhaafo
  • Jebinta waajibka vikeplikt( u istaagista baaburta midig ka imaanayo).
  • Dhaafid(baasid) sharci darro ah
  • Inaad aad ugu dhowaato gaariga kaa horeeya
  • Isticmaalka mobilka inta aad wadid

Khaladaad “Yaryar” oo Qiimo Badan Leh

Qaar ka mid ah khaladaadka loo arko kuwo fudud ayaa haddana qaali noqon kara:

  • Gelidda waddo leh “Innkjøring forbudt”: 8 650 kr
  • Ku wadidda haadka buss-ka iyo taxi-ga: 8 650 kr
  • Ka gudbidda khad toosan (heltrukken linje): 6 550 kr
  • Hilmaamidda isticmaalka blinklys: 4 100 kr

Boolisku waxay ku celinayaan in kororka ganaaxyadu uu yahay tallaabo lagu xoojinayo badbaadada waddooyinka. Darawallada waxaa lagu boorinayaa inay raacaan xeerarka si ay uga fogaadaan ganaaxyo culus iyo luminta laysanka.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x