Hay’adda booliska Norway u qaabilsan la dagaallanka iyo baaritaanka dambiyada dhaqaale, (Økokrim), ayaa si rasmi ah u billowday baaritaan ku saabsan tuhun musuq-maasuq culus oo ka dhan ah reysulwasarihii hore ee Norway ee caanka ah Thorbjørn Jagland, sida uu weriyay TV qaranka NRK.
Økokrim ayaa baaraysa in Jagland uu mudadii uu xilalka dowliga ah ee kala duwan ee ka hayay dalka Norway uu qaatay hadiyado sharci daro ah ama adeegyo loo sameeyay, uuna ku badashay shaqooyin la xiriira xilkiisa. Haddii eedeymahan la xaqiijiyo, waxa ay tani noqoneysaa eed culus oo kamid ah sharciga Norway u aqoonsan yahay musuq-maasuq heer sare ah.
Jagland ayaa sidoo kale mudo dheer ahaa gudoomiyaha gudiga bixiya biladda nabadda aduunka ee Nopel Peace Prize, isaga oo hadana ah gudoomiyaha guud ee gudiga golaha Yurub, taas oo kiisa ka dhigeysa ka baxsan xuduudaha Norway.
Xiriirka kiiska iyo feylasha Epstein:
Baaritaankan ayaa salka ku haya xog cusub oo la xiriirta dukumentiyo laga helay kiiska Jeffrey Epstein ee Mareykanka. Dukumentiyadan, oo dhawaan la shaaciyay kaddib go’aan maxkamadeed, ayaa muujinaya in Jagland uu Epstein la lahaa xiriir iyo kulammo ka ballaaran sidii hore loo ogaa.
Jeffrey Epstein oo xabsiga ku dhintay sanadkii 2019 ayaa ahaa maalqabeen Mareykan ah oo lagu xukumay dambiyo waaweyn oo ay kamid yihiin galmo oo ka dhan ah carruur, ayaa kiiskiisu waxa uu gilgilay dunida oo dhan, gaar ahaan galbeedka. Økokrim ayaa hadda hubinaysa in xiriirka Jagland iyo Epstein uu sababay faa’iidooyin sharci-darro ah ama jebin xeerar anshax iyo sharci.
Mas’uuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen in ku xusnaanta magac dukumentiyo aysan si toos ah u caddeyn dembi, balse ay tahay sabab ku filan in baaritaan la sameeyo.
Jagland: “Wax khalad ah ma sameyn”
Jagland ayaa, isaga oo adeegsanaya qareenkiisa, si cad u beeniyay dhammaan eedeymaha. Qareenku wuxuu sheegay in Jagland uu doonayo in arrinta si buuxda loo baaro, isla markaana uu dukumentiyo iyo macluumaad u gudbin doono Økokrim.
— Jagland wax dembi ah ma uusan gelin, wuxuuna soo dhoweynayaa baaritaan dhamaystiran, ayuu yiri qareenkiisu.
Baaritaannada noocan ah ayaa qaadan kara waqti dheer. Mas’uuliyiinta ayaa mar kale xusuusiyay in baaritaan kaliya uusan la micno ahayn in qof dambiile yahay, ilaa ay maxkamad si rasmi ah u xukunto.
Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa Norway, maadaama ay quseyso kalsoonida lagu qabo mas’uuliyiin hore oo heer sare ah iyo sida ay hay’adaha sharcigu ula tacaalayaan tuhunno culus oo la xiriira musuq-maasuq.