fredag, januar 23, 2026

Waxaa la mamnuucay in sigaar lagu dhex cabo baabuur ay ilmo saaranyihiin

Laga bilaabo 1-da Janaayo 2026, waxaa Norway ka dhaqan galaya sharci mamnuucaya in sigaarka lagu cabo gudaha baabuur ay carruur saaran yihiin. Qof kasta oo lagu qabto falkaas waxaa lagu ganaaxi doonaa 3,600 kroner, sida ay warisay jariiradda Aftenposten.

Sharcigan cusub wuxuu qayb ka yahay adkeyn lagu sameeyay sharciga ka hortagga waxyeellada sigaarka, waxaana ujeeddadiisu tahay in la ilaaliyo caafimaadka carruurta, maadaama qiiqa sigaarku khatartiisu ay badantahay, marka uu ku ururo meel xiran sida gudaha gaari.

Booliiska ayaa awood u yeelan doona in qofka falkaas lagu qabto ay ku ganaaxaan isla goobta, haddii ay arkaan qof sigaarka ku cabaya baabuur ay carruur saaran yihiin. Mamnuuciddu waxay khusayneysaa dhammaan noocyada gaadiidka gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale, sharciga cusub wuxuu mamnuucayaa sigaarka laga cabo goobaha ay carruurtu ku ciyaaraan iyo garoomada isboortiga, inkasta oo xeerarkan dambe aan lagu xirin ganaax lacageed, balse lagu wajaho wacyigelin iyo wax u sheegis.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan ah, si loo yareeyo khataraha caafimaad ee carruurta una xaqiijiso jawi nadiif ah oo ammaan u ah koritaankooda.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x