Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Jan Christian Vestre iyo Wasiirka Carruurta iyo Qoyska Lene Vågslid ayaa maanta si wadajir ah u soo bandhigay talooyin qaran oo la cusboonaysiiyay oo ku saabsan isticmaalka shaashadaha (skjermråd), waxaana kulanka ku weheliyay agaasimaha wasaaradda caafimaadka, Cathrine Lofthus.
Bandhigan ayaa ku saabsanaa talooyinka guud ee yareynta waxyeeladda adeegsiga shaashaddaha ee caruurta iyo waliba dadka waaweyn.
Wasiirka Caafimaadka Jan Christian Vestre ayaa sheegay in dowladda ay mudnaan siineyso badbaadada dijitaalka ah ee carruurta.
– “Waxaan rabnaa inaan carruurteena u u sameyno qaab koritaan oo ay kaga badbaadaan waxyeeladda digitalka ah. Talooyinkan qaran waxay waalidiinta iyo dadka waaweyn siinayaan hagid iyo taageero ku saabsan isticmaalka shaashadaha, gaar ahaana caruurta,” ayuu yiri Vestre.
Sidoo kale, Wasiirka Carruurta iyo Qoyska Lene Vågslid ayaa carrabka ku adkaysay in carruurta aan loo dayn karin keligood xayeysiimaha iyo teknooliyadda shirkaddaha baraha bulshada.
– “Waalidiinta, masuuliyiinta iyo dowladda waxay wada leeyihiin mas’uuliyad ah in carruurta loo abuuro nolol dijitaal ah oo ammaan ah. Talooyinkan waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha dowladda ee badbaadada carruurta,” ayay tiri.
Talooyinkan cusub oo ay hey addaha dowladu soo bandhigeen ayaa ah:
- Carruurta ka yar 2 sano: waa inay gebi ahaanba ka fogaadaan shaashaddaha; dadka waaweynna ee caruurta la joogana waa inay yareeyaan isticmaalka shaashadda.
- Carruurta 2–5 sano: ugu badnaan 0.5 ilaa 1 saac maalintii, ama ka yar ayaa wanaagsan inay shaashad adeegsadaan.
- Carruurta 6–12 sano: ugu badnaan 1 ilaa 1.5 saac maalintii, ama ka yar.
- Dhallinyarada 13–18 sano: ugu badnaan 1.5 ilaa 3 saac maalintii, ama ka yar.
Talooyinka cusub waxay sidoo kale si gaar ah u adkeynayaan in waalidiintu xaddidaan helitaanka carruurta ee qalabka leh internet-ka, sida telefoonada gacanta oo kale. Waxaa talooyinka lagu caddeeyay in carruurta ka yar 13 sano aysan isticmaalin internet iyada oo uusan la joogin qof weyn oo xakameyn karo qaabka ay u adeegsanayaan.
Waxa kale oo talooyinka kamid ah:
- In waalidku aysan ilmaha siin telefoonadda ama u daarin shaashad, si ay ugu qanciyaan hadii ay xanaaqsanyihiin ama ooyayaan oo kale. Iyo inaan shaashad ilmaha loo daarin xiliga ay cunteynayaan.
- Inaan sariirta hurdadda aan ilmaha loo geynin shaashad…in saacadda ugu danbeyso ee hurdadda kahor ilmaha laga ilaaliyo shaashaddaha.
Hoos ka akhri