fredag, januar 23, 2026

Trump oo mar kale weeraray Norway

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale muujiyay cadhadiisa ku aaddan in uusan helin Abaalmarinta Nabadda aduunka ee Nobel, isaga oo si toos ah u dhaliilay Norway.

Qoraal dheer oo uu ku daabacay barta Truth Social, Trump ayaa ku sheegay in Norway, oo xubin ka ah NATO, ay ahayd “doqonimo” in aan la siin Abaalmarinta Nabadda Nobel.

– “Norway oo xubin ka ah NATO waxay sameeyeen go’aan doqonimo ah markii ay i siin waayeen Abaalmarinta Nabadda Nobel,” ayuu ku qoray Trump.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in aysan ahayn dowladda Norway tan bixisa abaalmarinta, balse ay bixiso Guddiga Madaxbannaan ee Abaalmarinta Nabadda Nobel, oo ka madax-bannaan dowladda.

Trump oo shaki geliyay doorka NATO

Trump ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku shaki geliyay sida NATO ay u taageeri lahayd Maraykanka haddii xaalad halis ah timaaddo.

– “Maraykanku mar walba wuu garab taagnaan doonaa NATO, xitaa haddii ay iyagu nala garab istaagi waayaan marka aan si dhab ah ugu baahanno,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in Ruushka iyo Shiinaha aysan ka baqayn NATO haddii Maraykanku uusan ku jirin, isaga oo muujinaya aragti ah in awoodda ciidan ee isbahaysigu NATO ay udub dhexaad u tahay dowlada Mareykanka, hadii uu Mareykanku ka baxana aysan sii jiri karin.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x