Dowladda dalka Spain ayaa ku dhawaaqday hirgalinta sharci cusub oo sharciga shaqada iyo joogitaanka dalkaas siinaya, dad ku dhow 500,000 muhaajiriin iyo magangalyo-doon ah oo xiligan dalkaas ku ah sharci la aan. Tallaabadan ayaa dalka Spain ka dhigaysa mid si ka duwan dalal badan oo Yurub ah, kuwaas oo sanadihii dambe si weyn u adkeeyay siyaasadaha sharci siinta qaxootiga iyo magangalyada.
Wasiirka socdaalka ee Spain, Elma Saiz, ayaa sheegtay in sharcigan cusub uu siin doono qaab wanaagsan oo ay sharaf ugu noolaadaan gudaha dalkaas iyo aqoonsi dad badan oo horey dalkaas ugu noolaa qaab sharci daro ah.
— “Waxaan xoojinaynaa nidaam socdaal oo ku saleysan xuquuqda aadanaha, isdhexgalka, wada noolaanshaha, isla markaana la jaanqaadaya koboc dhaqaale iyo mid bulsho,” ayay tiri Saiz, iyadoo wareysi siisay idaacadda qaranka ee RTVE.
Saiz waxay intaa ku dartay in dadka ka faa’iideysanaya ay awood u yeelan doonaan inay ka shaqeeyaan dhammaan waaxyaha iyo dhammaan gobollada dalkaas, iyaga oo ka qeyb qaadanayo kocaba dhaqaalaha dalka Spain.
Ra’iisul wasaaraha Isbaanishka, Pedro Sánchez, ayaa horey u sheegay in dalka Spain uu baahan yahay muhaajiriin si loo buuxiyo baahida shaqaalaha, loogana hortago saameynta gabowga bulshada ee khatar gelin kara suuqa warshadaha, shaqaalaha, nidaamka hawlgabka iyo daryeelka bulshada.
Sánchez ayaa carrabka ku adkeeyay in socdaalku door weyn ka qaatay koboca dhaqaale ee firfircoon ee dalka Spain sannadihii u dambeeyay, isla markaana uu yahay tiir muhiim u ah mustaqbalka dalka.
Yaa sharcigu khuseeyaa oo ka faa¨iideysan kara:
- Sida ay sheegtay dowladda, sharcigan cusub wuxuu khuseyn doonaa:
- Dadka ku noolaa Spain ugu yaraan shan bilood.
- Dadka codsaday magangalyo ka hor 31-ka Diseembar 2025
- Dadka leh diiwaan dembi la’aan ama aan wax denbi ah ka galin gudaha dalkaas.
- Carruurta ay dhaleen dadka muhaajiriinta ah ee horey sharci la aan ugu ahaa dalkaas,
- Codsiyada sharciyeynta ayaa la filayaa in la furo bisha Abriil, iyadoo ay socon doonaan illaa dhammaadka Juun.
Qorshahan waxaa lagu ansixinayaa go’aan dowladeed, mana u baahna oggolaansho baarlamaanka, halkaas oo xukuumadda talada haysa aysan haysan aqlabiyad buuxda.
Xisbiyada mucaaradka ee midigta iyo kuwa xagjirka ah ayaa si adag u dhaliilay tallaabadan, iyagoo ku doodaya in ay dhiirri-gelin karto socdaal sharci-darro ah. Dhanka kale, ururro diimeed iyo kuwo bulshada rayidka ah ayaa soo dhaweeyay qorshaha, iyagoo ku tilmaamay tallaabo caddaalad bulsho iyo aqoonsi bani’aadamnimo.
Spain waa mid ka mid ah waddamada Yurub ee ay muhaajiriinta badankood ku soo galaan badda, gaar ahaan jidka halista ah ee u dhexeeya waqooyi-galbeed Afrika iyo Jasiiradaha Canary. Inkasta oo tirada soo galootiga ay hoos u dhacday sannadkii hore, haddana dalka waxaa weli ku nool boqolaal kun oo muhaajiriin ah oo aan haysan waraaqo sharciyeed.